Uncategorized

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Maanta u Gudo Geli Doono Xeer Xaasaasiyad Weyn leh, Ansixintiisuna Halis tahay

Hargeysa: 17-Sep-2013(SDN)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta si Toos ah u gudo geli doono Xeerka Waddooyinka oo dhawaan madaxtooyadu u soo Gudbisay, kaas oo muran iyo cabasho weyn ka dhex dhaliyey Bulshada Somaliland.

wakiilada som Xeerka Waddooyinka oo ah mid waajibinaya cashuur xad-dhaaf ah oo laga qaadi doono Xoolaha Nool ee dekedda ka dhoofaya iyo Baabuurta iska kala gooshaya Gudaha Somaliland Gaar kuwa xamuulka qaada, ayaa waxa dabada ka riixaya Xildhibaanno ku mamay Dhaameelka madaxtooyadu Bixiso, islamarkaana masaariifsada Hadba Xeerarka culayska ku haya Bulshada Danyarta ah.

Xildhibaanada caanka  ku ah inay masaariifsadaan xeerarka danyartu lagu curyaaminayo ee dhiiggooda lagu miiranayo, ayaa waxa ugu Horreeya Xildh, Axmed Nuur Kijandhe iyo  xildhibaan Nacnac oo maalintii shalay markii xeerkan loo qaybiyey xildhibaanadaba mushxarad iyo soo dhaweyn ugu alalagay.

Xeerkan oo aanay saxaafaddu faahfaahin dheeraad ah ka haynin, ayaa sida la ogsoon yahay lacago culus oo ka awood badan Gaadiidka xamuulka qaada ee Dekedda alaabooyinka yar yar ka daabula, waxa uu dusha ka saarayaa cashuur aad u xad-dhaaf ah oo ka baxsan awooddooda, waxana uu sidoo kale cashuur aad u badan oo aan hore loo arag dusha ka saarayaa Xoolaha nool ee la dhoofinayo, siiba Adhiga iyo Geella.

Xeerkan ay madaxtooyadu waddato oo ay  marmarsiinyo ugu dhigatay inay  lacagta ka soo baxda ku hagaajinayso waddooyinka Somaliland ee Burburku Hadheeyey,  ayaa dhiig bax ku ah shacabka danyarta ah dalka ku dhaqan, iyadoo la sheegayo in cashuurahin yihiin qaar aad loo buun-buuniyey oo aan laga fiirsan qaabka dadka loo saaray.

Inkastoo ay jiraan xildhibaanno kale oo u biyeystay inaan xeerkan halista ku  ah noloshha  dadku aanu sinaba u dhaafin oo aanay Ansaxin, haddana waxa hubaal ah inuu durduro ku dhaafayo Golaha, maadaama ay u badan yihiin xildhibaanno muxaafid ah oo xukuumaddu si fudud u dhex mariso  wax kasta oo ay u baahan tahay.

Doodda xeerkan ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ka socon doonto Golaha dhexdiisa, waxana halkaas laga soo jeedin doonaa wanaagga iyo xumaanta uu xeerkani leeyahay, waxase warwar iska qaba shacabka oo Golahani xeerar hore oo kan ka adagba ku sii daayey.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com