Muqdisho 12.Dec 2013 (SDN)- Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay ka mid noqoshada Guddiga Nabadda iyo Xasilloonida Midowga Afrika oo Soomaaliya loo soo bandhigay.
Afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen mabaadii’da iyo ujeeddooyinka loo aasaasay guddiga iyo waxyaabaha ay Soomaaliya ka faa’iidi karto.
Ridwaan ayaa tilmaamay in go’aanka xukuumadda loo gudbin doono Golaha Baarlamanka si uu u ansixiyo.
Wuxuu xusay in arrintan Soomaaliya loo soo gudbiyay xilli hore oo lagu jiray marxalad kumeel-gaar ah, markaas oo aanay dowladdii Soomaaliya awoodin inay saxiixdo.
Gudiga Nabadgelyada iyo Xasilloonida Midowga Afrika ayaa la aasaasay sanadkii 2002.
