|

Golaha Wasiiradda Somaliland oo Duuduub ku Meel Mariyey Heshiiska Shirkada Dubai World Port Iyo Jawaabta Xukuumada ee inay Heshiiskan Horgaynayso Golaha Wakiiladda DAAWO

Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Shirkii Toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland, ee Shalay ka qabsoomay hoolka shirarka ee golaha Wasiirada,ayay Si Buuxda Xubnaha Golaha Wasiiraddu ugu Ansixiyeen Heshiiskii Xukuumaddu la Gashay Shirkada Imaaraadka ee DPW.

9e729bac-1b0f-459d-b2b3-45d97a1d87b8Waxaa la Isweydiinayaa Waa Maxay Faa’iidada uu Heshiiskani ugu Fadhiyo Somaliland.

Xukuumadda ayaa arrintaas kaga Jawaabtay Qoraalkan oo ka soo Baxay Qasriga Madaxtooyada.

Ø  In aanay jirin haba-yaraatee deked la wareejinayo ama la iibinayo, balse dekedda dalku leeyahay weligiina lahaan doono, balse heshiisku yahay in muddo cayiman la kireeyey dekeda taasina tahay wax caalamka ka dhaca oo dawladaha dhex mara.

Ø  In Markii dhinac walba laga eegay heshiiskaasi faa’iidadiisa weyni ay helayaan shacbiga Somaliland, faa’iidadaas oo ka badan ta ay ka helayso DP World, hase ahaatee shirkaduna dhinaceeda ay helayso faa’iido, markaana labada dhinacba ay dani ugu jirto.

Ø  In aanay jirin waddo kale oo aynu marno oo aynu ku dhisano dekedeena, madaama aynaan heli Karin deyn ama amaah aan ku dhisano iyo deeq deked dhista oo layna siinayo

Ø  In dekeda Berbera iyo dekeda Cadan ay markii hore ahaayeen labada dekedood ee ugu caansan marin biyoodka Gacanka Cadmeed, balse maanta ay yihiin kuwa ugu dambeeya, haddii aynu imika wax ka qaban waynana aanu wakhtigu ina sugayn, taasina ay tahay sababaha ugu weyn ee aynu heshiiskan u galnay

Ø  In shirkada DP World noqotay shirkada hantida ugu badan gelinaysa dekeda taasoo dhan 442Milyuun oo doolar, muddada kirada oo ah 30 sanadood ay tahay mudada ugu macquulsan ee heshiis noocan ah la geli karo, sida ay sheegeen sharci yaqaanadu.

Ø  In 12 bilood gudohood oo ka bilaabma maalinta heshiiskaasi si kama dambays ah loo saxeexo, saxeexaas oo dhacaya wiiga ugu horeeya ee bisha inagu soo fool leh lagu dhiso deked cusub oo baaxadeedu tahay 400M, ilaa dekedda cusub la dhisana aan dekedii hore la taabanayn

Ø  In dekeda cusub ka dib la gelayo casriyeynta iyo balaadhinta dekeda hore.

Ø  In deked saddexaad la dhisi doono oo iyana baaxadeedu dhan tahay 400M, marka 75% ay shaqada labada dekedood ee hore hirgalaan.

Ø  In Shaqaalaha hadda jooga dekedu ay sidooda u sii wadan doonaan shaqada, oo weliba tiradoodu sii kordhi doonta marba marka ka dambaysa oo halka ay imika ka yihiin 840 ay noqon doonaan ilaa 3,000 oo marka saddexda dekadoodba shaqeeyaan.

Ø  In dawladda Imaaraadka Carabtu gaar ahaan shirkada DP World ay qayb weyn ka qaadanayso dhismaha jidka isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya.

Ø  In ujeeddada shirkada DP World ay ka leedahay heshiiskan ay tahay inay gaadho dadka boqolka malyuun ku dhaw ee itoobiya, isla markaana ay itoobiya aad u danaynayso in badeecadaha ay dhoofiso iyo kuwa ay soo dejisaba, qaybo ka mida jeceshay inay soo marto Somaliland, sidaa awgeedna ay caddaysay Itoobiya inay soo dhawaynayso heshiiska dhexmaray Somaliland iyo DP World.

Ø   In faa’iidooyin badan oo kale oo ay ka mid yihiin waxka qabashada dhinaca korantada, beeraha, ay Somaliland ugu jiraan taabo galka heshiiskaasi.

Ø  In shaqaale reer Somaliland ahi ay u shaqo tegi doonaan dalka imaaraadka carabta.

Ø  In xarun ganacsi laga sameeyo Somaliland taasoo shaqaalayn ay ka helidoonaan shacbiga Somaliland, kuna dhiirrisay labada dhinac heshiiskaa.

Ø  Waxa jiray faa’iidooyin badan oo kale oo Somaliland ugu jira heshiiskaasi.
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Cadeeyay inay Heshiiskan ka Xalaalayn doonaan Golaha Wakiiladda “Maadaama Oo ay golaha Wasiiradu ansixiyeen heshiishka Horumarinta Dekeda Berbera, waxaanu gayn doonaa Golaha Wakiilada JSL” Ayuu Yidhi Wasiirku.

Comments are closed