|

Gollaha Amaanka oo ka doodaya Xaalada Syria,iyo Ruushka oo ku keliyeystay difaaca madaxweyne Bashar Al Asad

New York Jan 31,2012(qurbejoog.com)-Gollaha Amaanka ee QM ayaa maanta ka doodaya isla markaana lagu wadaa in ay qaraar ka soo ssraan xaalada sii murgeysa ee dalka Syria.

Todobaadkii u danbeeyay ayaa waxa dagaalada u dhexeeya ciidamada Amniga iyo kuwa ka soo horjeeda ku dhintay ilaa 500 oo ruux.

Dagaalada ayaa kaabiga ku haya caasimada dalka Syria oo duleedkeeda ay shalay qabsadeen mucaaridku balse ciidamadu dib u qabsadeen xalay.

Gollaha Amaanka ayaa lagu wadaa in maanta doodooda ay ku soo saaraan qaraar ay ku fadhayaan madaxweynaha dalka Syria in uu dhan u joogsado si dalka looga hirgeliyo isbedel siyaasadeed oo dhab ah.

Dawlada dalka Ruushka ayaase sheegtay in ay diidmada qayaxan isku hortaagi doonto isku day walba oo lagu godoominayo ama tilaabo ciidan looga qaadayo xukuumada Bashar Al Asad.

Dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta ayaa iyagu dabada ka riixaya in Gollaha Amaanku goaan adag ka qaataan xukuumada Dimishiq ee 11kii bilood ee udanbeeyay dagaalka kula jirtay shacabkeeda kacdoonka wada.

Qurbejoog-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed