|

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Ardayga Talyaaniga

Rome Jan 31,2012(qurbejoog.com)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ayaa la hadlay Ardayda Talyaaniga.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’adda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga ( The Italian Society for International Organization (SIOI)).

Hay’adan ayaa waxaa Guddoomiye ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Franco Frattini oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay arday fara badan, barafasooro iyo diplomaasiyiin oo uu ka mid ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Talyaaniga.
 
Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulankan ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo uu uga hadlayey xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya, horumarka ay Dowladdu ku tallaabsatay 6dii bilood ee ugu danbeysey, Roadmapka, iyo Qorsheyaasha u degsan Soomaaliya ee lagu wado in looga saaro ku meel gaarnimada iyo arrimaha gar-gaarka ban’aadanimo. 
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa oo ka hadlay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Franco Frattini, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda H.E. Staffan De Mistura, Safiirka Turkiga u fadhiya Talyaaniga, Mas’uul ka socday Safaaradda UK ee Talyaaniga. Sidoo kale Ardeydii ayaa su’aalo weydiinayey Ra’iisul Wasaaraaha Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Rome

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed