|

Gollaha Amaanka: Somaliland ciidamdeeda ha kala baxdo Laascaanood

NY June 07, 2023 (SD) – War maanta ay soo saareen Gollaha Amaanka ee QM ayaa maanta war ay soo saareen ku sheegay in ay xaqiijinayaan mar kale Madax banaaninada midnimada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Woqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay maanta soo saareen golahaasi.

War-murtiyeedka kasoo baxay golaha ammaanka ayaa marka hore lagu xaqiijiyay khasaaraha naxdinta leh ee soo gaaray dadka rayidka ah, barakaca iyo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya.

Warbixinta golaha amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in dad badan oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen colaada ka socota magaalada, iyadoo lagu qiyaasay dadka baro kacay ilaa 150,000 oo qof.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, iyagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay rabshadaha.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale u qornaa sidan: “Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in la xoojiyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Hogaamiyayaasha Dhaqanka ee gobolka si loo gaaro nabad iyo in la bilaabo wada-hadal ay Soomaalidu hoggaamiso.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, ayna galaan wada xaajood macno leh si loo gaaro nabad waarta.

Warbixinta ayaa sidoo kale ku boorisay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya inay taageero iyo gacan ka siiyaan arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanood, isla markaana ay dhinac walba is-xakamayso oo ay ka fogaato inay sii huriso colaadda.

Goluhu wuxuu dib u xaqiijiyay waajibaadka ka saaran dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, goluhu wuxuu si gaar ah u carrabka ku adkeeyay in dhammaan xadgudubyada lagula xisaabtamo, gaar ahaan kuwa ku xad-gudba shuruucda caalamiga ah ama hor-istaagaya xaqiijinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa ku booriyay dalalka deeqaha bixiya inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo fududeynta hub ka dhigista kooxaha maleeshiyooyinka iyo sidii looga saari lahaa haraadiga qaraxyada ee goobaha ay colaaduhu saameeyeen.

Comments are closed