|

Madaxtooyada Somaliland oo aan xalay laga seexan iyo Muuse oo Haromous iyo Villa Somalia ku hungoobay

Hargeysa June 08, 2023 (QJ) – Xaafadtooyada Hargeysa ayaa la soo sheegayaa in aan xalay laga seexan ka dib warbixintii ooda ka qaaday in sharciga lala beegsado cidwalba oo ka danbeysay denbiyadii dagaal ee ka dhacay Laascaanood, iyada oo loo jeedo Muuse Biixi.

Ka dib kolkii warbixinta loo fasiray ayaa la sheegay in Muuse Biixi la hadlay Haraous iyo Villa Soomaaliya oo labaduba hore isugu gudbayay tilaabo walba oo caalamku doonayay in ay Muuse ka qaadaan, labadubana waxa ay u sheegeen in talo faro ka haaday iminka.

Ismaaciil Cumar ayaa la sheegay in uu Muuse xusuusiyay in uu hore talo diid u ahaa oo intii badneyd Somaliland geeska geliyay intii u soo hartayna dabka saaray isla markaana ay meela gaarsiin waayeen.

Sidoo kalena u sheegay in ku talogalo tilaabooyin taxane ah oo ku soo fool leh, isla markaana aaney jirin wax laga qaban karo.

Halka Villa Soomaaliya ay ku wergelisay Muuse in iminka wixii ka danbeeya xaalada Laascaanood iyo gaboodfalidiisa wax ka qabashadooda loo fasaxay dhamaan xubnaha QM, taas oo ka dhigan in dacwadaha reer Laascaanood cid waliba ay dhegeysan doonto.

Villa Soomaaliya ayaa u sheegtay in hadalkan maanta ka soo yeeray QMuu bilow u yahay waxa lala damacsan yahay oo ah in la maxkamdeeyo.

Gollaha amaanka oo Laascaanood ku sheegay in ay Soomaaliya ka tirsan tahay ayaa sheegay in “Somaliland” ciidamadeeda la baxdo, cidwalbana ku boorisay in ay wax ka qabtaan cidwalba oo ku xadgudubtay xuquuqaha aadanaha.

Comments are closed