|

Mareykanka oo soo dhaweeyay wadahadaladii madaxda Soomaalida ee Muqdisho

Muqdisho July 17, 2023 (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay taageersan tahay shirkii dhawaan Muqdisho ku dhexmaray madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madax hore ee dalka.

Kulanka ayaa laga soo saaray heshiisyo dhowr ah oo muhiim ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in madaxda Soomaalida la isugu keeno wada hadal, lagana tashado aayaha qaranka, waxaana lagu ammaanay madaxweyne Xasan Sheekh shirka isugu yeeray.

“ Waxaa soo dhaweeyneynaa shirkii ay isugu yimaadeen Madaxda Soomaalida si ay u wada tashadaan, ugana wada hadlaan masiirka dawladooda, waxaana uga mahad celineeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku casuumay Madaxdii hore ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Safaaradda.

Sidoo kale, Mareykanku wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo ka-qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo dib u xaqiijinaysa iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u taageera Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka mahadcelineysaa kaalmada baaxadda leh ee uu bixiyo Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale si firfircoon u xoojineysa ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa DANAB, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, xasiloonidana kor loogu qaado.

Dhowaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo madax hore oo qaar ka biyo diiday go’aanadii ay horay u soo saareen golaha wadatashiga qaran ee looga hadlayay arrimaha dalka.

Comments are closed