|

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiilada Oo Shir Caalami Ah Ka Qayb Galaya Dalka Jamaica DAAWO

Hargaysa 31.May 2015 (SDN/QJ)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waxaana ku wehelinayay laba Xubnood oo kale oo kala ah Xildhibaan Naasir Cali shire iyo Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari).
Guddoomiyaha weftigan safarka ugu baxay dalka Jumaica ayaa sheegay inay u baxayaan Kulan Caalami ah oo Gudidda dabagalka lagu soo casuumay laguna baran doono nidaamka dawlada iyo Baarlamaanadu u wada shaqeeyaan Iyo La xisaabtan ah (Accountability and Transparency) Xukuumadda loogu dabagalo shaqadeeda iyo sida Guddidan dabagalku u shaqayso, isla markaana waxa uu sheegay inay ku maqnaan doonaan muddo 6 maalmood ah.

Comments are closed