|

“Muranka U Dhexeeya Labada Oday Ma Sahlana, Guurtiduna May Ahayn Inay Dalka Fad-qalalao Geliso” Xasan Guure

Hargaysa 31.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Muj. Xasan Guure Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ka digay muranka u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ee ku salaysan heshiiska Xisbiyada iyo Xukumadda.

XASAN GUUURE
“Dalka gabigiisii hay’addihii sharciga ahaa ee aynu dooranay mid walba Sharcigii wuu ka dhamaaday, midna waa ka imika ka dhamaanayo, Guurtida wakhtigii sharciga ahaa wuu ka dhamaaday, Soomaaliduna waxay tidhaa hal booli ahi Nirig xalaal ah ma dhasho,” ayuu yidhi Xasan Guure.

Mujaahid Xasan Guure, ayaa sidoo kale sheegay inay isku milmeen saddexdii waaxood ee qaranka oo ay ahayd inay is dheeli tiraan “Hay’addihii Dastuuriga ahaa ee Xeer dejinta, Fulinta iyo garsoorku waxay isku noqdeen fulinta oo kaliya, maanta ayaabu muran ka dhashay oo labadii Oday(Siilaanyo iyo Saleebaan) murankoodu taagan yahaye laakiin wali ma jiro cid is waydiisay waar xaggaynu ku soconaa,” ayuu yidhi Xasan Guure.

Xasan Guure oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Waxaynu maqalay saddexdii Xisbi iyo Xukumaddii way heshiiyeen oo waxay ku heshiiyeen in doorashadii dhacdo December 2016-ka. Ma hubo in doorashadu wakhtigaas dhici doonto. Heshiiskaas waxaad moodaa halkii u saraysay in dilaacii ka dhashay , dillaaco markuu Xisbiyada taagnaa bay sahlanayde labadii Oday ee dalka u weynaa markay is qabtaan ee Gudoomiyihii guurtida mid wakhtigu ka dhamaaday ba ahaadee iyo Madaxweynihii markay is hayaan ma sahlana.

Waxaanu intaas ku daray “Dee Gudoomiyaha Guurtida iyo Golaha Guurtida waxaanu ka filaynay inay dadka nabad ka dhex dhaliyaane,maynaan filayn inay iyagu fad qalalo ka dhex ridaan. Haddiiba dadkii heshiiyay maxaa iyaga haya?, waxaanu leenahay heshiiskii Asxaabta iyo Xukumadda ee bulshada loo sheegay siduu doonaba ha ahaadee muu sal dhigin” ayuu yidhi Xasan Guure.

 

Comments are closed