Qaahira 18-11-12 (SDN) Ururka ay ku bahoobeen Wadamada Didowga Jaamacada Carabta ayaa isku raacay in ay taageero la garab istaagi doonaan shacabka reer falastiin ee ay ku socoto duqaynta ay ku hayso isra,iil kuwalani oo ay isu yimaadeen Wasiirada Arrimaha Debeda ee Wadamada Jaamacada Carabtu.
Madaxa ururka Jaamacada Carabta Nabil Elaraby ayaa ka balan qaaday kulankii xalay ay ku lahaayeen wasiirada arimaha dibada ee Jamaacada carabta magaalada Qaahira ee dalka Masar in dadka reer Falastiin ay siin doonaan taageeradooda sidii ay u soo afjari laahaayeen xayiraada lagu hayo Magalada Qaza ee ka dhanka Falastiiniyiinta.
kulankii xalay ay ku yeesheen wasiirada arimaha dibada ee Jaamacada Carabta ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa sarkaal ka tirsan ururka Xamaas, Madaxwaynaha wadanka Masar Max’ed Mursi,Amiirnka wadanka Qadar,Raisulwasraha wadanka Turkiga iyo xubno kale kaasi oo markii danbena ay bayaan ka soo saareen.
wasiiro arima dibadeedyada Jaamacada carabta ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeeen in madaxa ururka Jaamacada carabta Mr Nabil uu hogaamin doono wafdi soo booqan doona maanta magaalada Qaza ee dhulka Falastiin isla markaasina taageero u muujin doona dadaalka xabad joojinta ee ay dowlada Masar soo bandhigtay.
Wakalada wararka ee Maan News ayaa sheegtay in wafdiga maanta aadaya magaalada Qaza ee uu hogaaminayo Mr Nabil ay ku wehlin doonaan Riyaad Al Maliki oo wasiirka arimaha dibada ee Falastiin iyo afar wasiiro arimo dibadeedyo kale.
Xamaas wali ma aysan xaqiijin qorshaha booqashada ay maanta wafdigaasi ku tagayaan magaalada Qaza ee dhulka Falastiin.
kulankani wadamada Carabta ayaa ahaa mid ay shacabka reer falastiin iyo umada islaamkuba ka sugayeen waxaa ka soo baxa iyada oo dhanka kalena dowlada isreal bilowday ina marinka Qaza ka weerarto Cirka Dhulka iyo walib Bada taasi oo argagax ku noqotay dad reer falastiin www.Qurbejoog.com Hargeisa