Hargaysa 02. June 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Baanka dhaxe ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqey go’aamo lagu yareynaayo sicir-bararka oo muddooyinkii dambe maraayey meel aad u sareysa, waxaana uu tilmaamay in ay wax ka qabanayaan sarifka lacagaha qalaad oo inta badan dhib ku haya maciishadda sida oo kale na saameynta ugu weyn ku leh sicir-bararka.
Hasa yeeshee dadka falanqeeya Siyaasadda Xukuumadda ayaa ku doodaya in aanay Suurto galayn go’aan ka soo baxa Baanka dhexe inuu fulo maadaama ay hore u fashilmeen Go’aamo heer Madaxweyne ah oo la filayay in Kor loogu soo qaado Shilling Somaliland hoosna loogu dhigo Dollarka.
https://www.youtube.com/watch?v=5jKrPTgG6Ds
