Uncategorized

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo qoraal wargelin ah ku socodsiiyay Ganacsatada

Hargeysa 22, March 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Mr. Xasan Cabdi Cawed, ayaa caddeeyay xilliga uu qabsoomi doono shirweynahoodu.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo uu guddoomiyuhu soosaaray, shirweynaha hoggaanka rugta Ganacsiga lagu dooran doonaa waxa uu qabsoomi doonaa dabaqaayada bisha June ee soo socota, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Guddida Fulinta rugta ganacsiga Somaliland waxay go’aamiyeen in la qabto shirweynihii rugta ganacsiga, 24 bisha Juun/2012 oo ku beegan maalinta Axada

Sidaa darteed, waxa lagu wargalinayaa Aagaga ama Bahweynta Ganacsigu inay sidaasi ula socdaan, una diyaargaroobaan.”

Mr. Xasan Cabdi Cawad waxa uu si kumeel-gaadh ah xilka guddoomiyenimada rugta Ganacsiga ula wareegay markii uu sannadkii hore geeriyooday guddoomiyihii hore marxuum Cabdiraxmaan Faarax Sugaal.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com