|

“Wasiirkii Caafimaadka ayaa igu yidhi Yarka Ma Wax baa idinka Dhexeeya, Dabadeed anna waxaan ku idhaahdee Mayee Dee Inanku Miyaanu Reer New Hargeysa ahayn” Wasiirul Dawlaha Biyaha Mahdi Cismaan Buuri DAAWO

Hargaysa 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru dawlaha wasaaradda biyaha Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri ayaa khudbad uu ka jeediyey madal ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka uu u magacaabay madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkii hore ee wasaaraddaas haatanna loo bedelay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaa uu ammaan iyo bogaadin kala dul dhacay wasiirka cusub ee xilka lagu wareejiyey oo ay maraaxil kala duwan isla soo mareen.
Mahdi CIsmaan BuurWasiir Mahdi Cismaan Buuri oo yaallaaba marka uu fagaarayaasha noocan oo kale ah ka khudbadayno aad uga qosliya dhegeystayaashiisa hadallo ka turjumaya badheedhaha mawduuca uu ka hadlayana ku ladha weedho sogor-doh iyo sarbeeb u badan ayaa ka sheekeeyey aqoon dheeraad ah oo uu sheegay in ay isu leeyihiin wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe isaga oo xusay dhacdooyin xusuustooda lahaa oo ay xilliyo kala duwan iyo duruufo waqtigooda lahaa isla soo qaateen.

Comments are closed