|

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddi baarta u saaray dagaalkii Baraawe

Muqdisho June 18, 2023 (QJ)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddi baaritaan u saaray dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe.

Guddigan ayaa loo xilsaaray in ay soo ogaadaan waxa sababay iska hor imaadka maalmihii la soo dhaafay dhex maray ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, burbur iyo barakac.

Guddoonka Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay in Guddigu uu si qoto dheer u baari doono dhacdooyinkii ka dhacay Magaalada Baraawe.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay Ciidamada Milatariga Soomaaliya in ay weerar kedis ah ku qaadeen degmada Baraawe oo xarun u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sidoo kale dhaleeceen u jeediyeen dowladda Federaalka oo ay ku eedeeyeen in aysan ka go’neyn horumarinta iyo nabadda magaalada Baraawe.

Comments are closed