|

Guddoomiye Faysal Cali oo Beesha calamka uga waramay halista dib u dhiga doorashooyinka

Nairobi (SD) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay Universal TV ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka ee ku aadan in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada.

Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in 30 sano kaddib Somaliland ay qarka u saaran tahay Colaad sokeeye oo uu hurinayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama uu diiday in uu qabto Doorashada madaxtooyada oo ku waqtiyeysan 13-ka November 2022.

“Beesha caalamka ayaanu meesha ay taagantahay la wadaagnay, madaxweynahana kulan fogaan arag ah ayey la yeesheen inkasta oo aanan oran karin madaxweynuhu siduu uga warramay sax ayay ahayd, kalmada uu yiri axsaabta ogolaatay furista urrurada siyaasada manaan ogolaan anagu,” ayuu yiri Gguddoomiye Faisal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Madaxweyne Muuse ku eedeeyay in markii uu arkay Guusha Mucaaradka uu ka gaaray Doorashinkii issidkanaa ee  Golaha Wakiilada iyo kuwii degaanka uu go’aansaday in uu ka diido qabashada doorashada Madaxtooyada.

Ergada beesha caalamka ee kulanka la yeeshay guddoomiyaha oo Nairobi kusugan iyo  madaxweynaha Somalilandn oo ay kulan Zoom ah la qaateen Khamiistiii ayaa dhegeystay xogo lidi isku ah oo ku saabsan muranka doorashooyinka Somaliland.

 

Comments are closed