|

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo niyad jab ka muujiyay Masuuliyiinta Somaliland ee Wali Aamin Somaliweyn

Hargaysa 06.May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa niyad jab ka muujiyay mabda’a muwaadiniinta Somaliland ka aaminsanyihiin Gooni isu taaga Somaliland.

 

fayGuddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay in muwaadiniinta Somaliland aanay ka dhab ahayn mabda’a somalilandnimadu taasina ay keentay inay ka fikiraan halka ay ka helayaan shaqo iyo lacag.

 

“Waxay ku tusaysaa in dadkeena wax mabda’a  lihi ku yaryahay ee aanay dan qaran iyo mid guudba eegayn ee halkeed maanta ka daaqdaa, musharahar ka heli kartaa ama aad boos ka heli kartaa ee aanay daacad ka ahayn”ayuu yidhi

 

Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu sheegay inaanu ahayn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliya loo magacaabay qofkii ugu horeeyay ee somaliya Xil ka doonta balse ay hore u tageen masuuliyiin Ururo siyaasadeed ka furtay Somaliland

 

“Somaliland maaha kii u horeeyay ee tagay wuu shaqo tagay, kuwii ururada sameystay ayaa tagay, wax wayn ha inagaga dhigina” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Qaarka mida siyaasiyiinta Somaliland ayaa inta badan marka ay xil ka waayaan Somaliland u shaqo taga dawlada Federaalka Somaliya iyagoo ku dooda inay aaminsanyihiin Somaliweyn.

Comments are closed