|

”Muuse Biixiyoow Burco, Ceerigaabo, Buuhoodle Iyo Sool.. Waxay Taageersan Yihiin Wasiir Xirsi,Halkuu Maro ayay Marayaan,Adigana Waxaa kugu Filan Hargaysa iyo Gebiley” Suldaan ka Mid ah Gobolka Togdheer DAAWO

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)-Xiisada ka dhalatay Is casilaadii Xubno ka Mid ah Golaha Wasiiradda oo Saluug ka muujiyey dhex dhexaadnimada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye ayaa hadal haynteedu waxay noqotay Mawduuca ugu weyn ee dhex yaala Suuqa Siyaasada.

Qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Togdheer ayaa Maanta sheegay in Masiirkoodu uu ka go’o Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Hadaba Suldaantii Halkaas ka hadashay ayaa Dhaliil u soo Jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Waxaa kale oo ay Taageereen Wasiiradii iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen inay ka dhiidhiyeen dulmi Jira.
Madax dhaqameedkan ka tirsan Bariga Magaalada Burco ayaa ayaa Sheegay in Gudoomiye Muuse Biixi ay ku filan tahay Taageerada uu ka helayo Hargaysa,Xaafada Jig Jiga yar ee isla hargaysa iyo Degmada Gebilay.

Comments are closed