|

Gudida Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban Ee Soomaliya Oo Go,Aan Ka Soo Saaray Kuraas Hore Gudidan U Hakisay

Muqadishu Jimce February 4, 2022 (QJ) Gudida xalinta khilaafka doorashooyinka Soomalia yaa go,aan ka soo saaray kuraasta sumadoodu tahay Hop 201 Hop 209 Hop 211 oo deegaan doorashadoodu tahay gobalada waqooyi Somaliland Gaar ahaa gobalka Awdal.

Gudidan ayaa hore u qabtay cabasho ka soo noqotay kurastan habkii loo maray doorashooda baarisna ku sameeyey waxyaabihii ay ka soo dacwoodeen musharaxiintii cabashada ka keenay waxaanay ugu danbayn ka soo saareen go,aan.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Saddexdan kursi doorashadooda loo maray hab waafaqsan heshiiskii doorashada, isla markaana ansax yihiin.

 

Hoos Ka Warqadii Gudida Khilaafadka Doorashooyinka Dadban Ee Soomaaliya

 

Comments are closed