Uncategorized

Munaasabad lagu furayay Kalfadhigii labaad ee Barlamanka Soomaaliya oo maanta ka dhacayda Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho March 02 2013 (SDN)— Munaasabada si heersaro ah loo soo Agaasimay ayaa maanta waxa ay ka dhacday Iskoo Boluusiya ee Magaalada Muqdisho, taasi oo lagu furayay Kalfadhigii Labaad ee Barlamnaka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, Guddoomiyaha Barlamanka, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Maxkmada Sare iyo Marti sharafkale oo ay Wasiiro ku jiraan.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa halkaasi qudbado ka jeediyay waxa ay dhamaantood kawada hadlayeen howlaha Barlamanka iyo sidii ay u sii dar dargalin lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa Barlamanka Soomaaliyed waxa uu kula dar daarmay in ay sii wadaan danta ay qaranka Soomaaliyeed u hayaan, islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu waqti badan ka faalooday waxqabadkii Barlamanka bilooyinkii ay jireen isagoo ku booyay in la sii labo laabo howlaha qaran lo ohayo.

SDN-Muqdihso