|

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Su’aallo Uga Jawaabay Ardayda Soomaaliyeed Ee Wax Ka Barata Turkiga “SAWIRRO”

Istanbul April 30 2013 (SDN)— Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdiga uu hogaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa su’aallo uga jawaabay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Kulankan oo ka dhacay hool ay wadajir usoo diyaariyeen Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara iyo Ardayda Soomaaliyeed ee dalkan Turkiga deeqaha Waxbarasho ka heshay ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Ardaya Axmed Cumar oo isagu uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay ardayda fursad u siiyeen islamarkaana ay ugu ogolaadeen iney su’aallo toos u weeydiiyaan.

Sidoo kale Axmed C/raxmaan Jaakat oo isaguna ku hadlay magaca Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara ayaa tilmaamay iney Jaalliyaddu si aad ah ugu qanacsanyihiin qaabka ay xiligan u shaqeyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana shacbiga Soomaaliyeed looga baahanyahay iney taageeraan dowladooda.

Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isaguna furitaanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha Waxbarasho ka helay dalka Turkiga ay si aad ah uga faa’ideysanayaan fursadaha Waxbarasho ee ay siiyeen walaalaha Turkiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo si rasmi ah u furay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada ay Ardaydu u leeyihiin Dalka  waxaana uu tusaale usoo qaatay dagaalkii Koobaad ee dunida markaasi oo magaalada London carruurtii ku nooleyd laga saaray si ay waxbarashadooda u wataan islamarkaana aanay u saameyn dagaalka.

Furitaankaasi kadib ayey si rasmi ah Ardaydu u bilaabeen iney su’aallo u weeydiiyaan Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa waxaana su’aallaha la weeydiiyey ka mid ahaa qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xiliga soo socda gaar ahaanna Baarlamaanka sida qodobada la xiriira dib u eegista Dastuurka Dalka,dejinta shuruucda Federaalka,sameynta xeerarka maamul goboleedyada waxaana Ardaydii su’aallaha iyo fikradaha kasoo jeediyey madasha ay aad u ammaaneen qaabka xiligan uu u shaqeeyo Baarlamaanka Dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mid mid uga jawaabay dhammaanba su’aallihii ay weeydiiyeen Ardaydii kala duwaneyd ee madasha ka hadashay waxaana uu Gudoomiyaha Ardayda ku dhiirageliyey iney tallo ku yeeshaan dib u eegista Dastuurka Dalka ee uu hada wado Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu Ardayda xusuusiyey iney markasta maanka ku hayaan iney usoo baxeen oo ay halkaan u joogaan dal,dad iyo diin islamarkaana ay yihiin hogaamiyeyaasha dalka ee berrito.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Gudoomiyaha gudiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Dalka oo isaguna ka jawaabayey su’aal uu wafdiga soo hordhigay mid ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku baranjirtay dalka Syria balse ay saameeyeen dagaallada dalkaasi ka jira ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay muhiimad siin doonto sidii ay Ardayda waxbarashadoodu saameysay dalalka qul qulatooyinka ay ka jiraan u heli lahaayeen fursado waxbarasho ayadoo furssadahaasina laga siin doono dalalka xasiloon.

Xildhibaanad Luul Cabdi Aadan oo ka mid ah gudiga dastuurka ee Baarlamaanka oo gebagebadii kulanka hadal ka jeedisay ayaa waxa ay wax aad iyo aad loogu farxo ku tilmaantay sida ay maanta u dadaalayaan Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga wax ku baraneysa waxaana ay Alle ka bariday inuu umadda Soomaaliyeed dhibaatada ka dulqaado.

Guud ahaanna kulankii ay su’aallaha ku weeydiinayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ayaa kusoo gebageboobay jawi wanaagsan ayadoo kulankanna uu qeyb ka noqonayo kulammo la tashi ah oo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka horey sidan oo kale su’aallo ay ugu weeydiiyeen xubno ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

             —DHAMAAD—

    IMG_9152

 

IMG_9191

IMG_9196

IMG_9198

IMG_9208

IMG_9227

IMG_9248

 

IMG_9154

Comments are closed