|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo Hadal Dhinacyo badan taabanaya ka Jeediyay Gabagabada Aqoon isweydaarsi Suxufiyiin Meelo kala duwan isaga Yimid {DHAGAYSO}

Hargaysa 30.April (SDN) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa Saaka ugu Soo Gabo Gabeeyay Huteel City Center ee Caasimada Hargaysa Aqoon isweydaarsi Mudo afar Cisho ah u socday 35 Suxufi oo ka Kala Socday Qaar ka mid ah Idaacadaha ka hawl gala Somalia,Punt land iyo Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf  ayaa Tilmaamay in Saxaafadu tahay Seef laba Af leh oo kolba sidii loo adeegsado waxtarkeeda iyo Waxyeeladeeda loo arkayo,Waxa uu Agaasimaha Guud xusay in Xukuumada Somaliland iyo Gaar ahaan Wasaarada Warfaafinta ay ka  Go’an tahay in aqoonta Warfidiyeenada Somaliland Kor loo qaado,Waxa uu agaasimaha Guud kula Guubaabiyay Suxufiyiintii Tababarkan ka qayb qaadatay in duruustii ay kasbadeen ay ku dabaqaan Shaqo Maalmeedkooda.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AgaasimahaWarf30.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed