Hargaysa 17.Feb (SDN) Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxmed Kaahin Axmed ayaa Maanta ka warbixiyay kulamo uu hogaanka Xisbiga kulimye Habeenkii Xalay la yeeshay Madaxweynaha Jsl Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo Xilliga Shirweynaha Xisbul Xaakimka la qabanayo iyo Weliba qodobo kale.
Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye waxa uu Markii u horaysay ka hadlay Dareen huursanaa iyo damac hayay waxaanu yidhi “Anigaygan kula hadlayaa waxaan ka mid ahay ragga tartanka ugu jira kuraasta loo tartamaya ee Kulmiye (Guddoomiyenimada iyo Musharaxnimada Madaxwaynaha”,Sidaa Waxaa Yidhi Md.Maxamed Kaahin Axmed.
Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Kulmiye waxa uu Walaac ka muujiyay in Sababihii Burburiyay Xisbiyo Waaweyn oo dalka Somaliland iyo Somalia ka jiray ,Kuwaas oo Sababta ay u Baa’been uu ku Sifeeyay inay gacanta u galeen hogaamiyeyaal keligii taliye ah,Inkasta oo aanu Cadayn Cida uu ula Jeedo “Xisbiyadii Somaliya iyo Somalilandba soo matay waxa baa’biiye hogaamiye kaligii doona in talladu ka go’do sida xisbigii SLN, xisbigii Kacaanka, LEEGO iyo UDUB, markaa waxaan jecelahay inaan Kulmiye noqon sidaasi oo kale”
Maxamed Kaahin Axmed Waxaa kale oo uu Sheegay inay Madaxweynaha habeenkii xalay kulan la yeesheen isla markaana ka wada hadleen hawlaha u diyaar garowga Qabsoomida Shirweynaha Xisbiga Kulmiye isagoo intaas ku daray inay isku afgarteen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo bilaabo wixii hawl ah ee Shirweynaha ku Xidhiidhsan.
Geesta kale Guddoomiyaha golaha-dhexe ee Xisbiga taladda haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige “Jaamac-shabeel” ayaa maanta isaguna ka hadlay Loolanka Sii Xoogaysanaya ee u ku Wajahan Cida Qaban doonta Hogaaminta Xisbiga isla markaana iftiimiyay in ay Suurto gal tahay in dib u dhac ku Yimaado Qabashada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye,Waxaanu Yidhi “Xaalada dalka ka jirtaa way saamaysaa xisbiga, maadaama oo uu yahay xisbul xaakimka, markaa waxa socda wada tashiyo ah ma dib-baa loo dhigaa (shir-waynaha xisbiga), kolayba dib u dhac wuu jiraa mar haddii la soo dhaafay wakhtigii lagu dhawaaqi lahaa ee la saari lahaa guddiga (soo xulaysa ergooyinka), in dib u dhac jirana waa wax aan la dafiri Karin, markaa si aanu dib u dhacaasi aanu u sii dheeraan ayaa laga wada tashanayaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha-dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Mudane Jaamac Shabeel waxa uu ku dooday in Distoorku u banaynayo Madaxweyne Siilaanyo inuu Mar Labaad isu soo taago Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga waxaanu yidhi “Taasi waa dastuuri, oo hadal kuma jiro, laakiin isaga ayay ku xidhan tahay, Muuse Biixina waa inankiisii ee ma inan odeygiisa la tartama ayaad aragtay”
Si kastaba ha ahaatee Waxaa Marba marka ka danbaysa isa soo taraya Murashixiinta higsanaya Qabashada Hogaaminta Xisbiga Kulmiye iyo u Tartanka Mansabyada Madaxweyne iyo ku Xigeen oo Wararku Sheegayaan inaan loogu tagayn Maddaxweyne Siilaanyo iyo Ku xigeenkiisa Mudane Saylici.
Hargaysa SDN.
