Uncategorized

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay oo soo kormeeray dhismaha Wadada Wajaale iyo Kala baydh iyo Hawlgal ay dawlada Hoose Gebilay ka Wado Dooxa Arabsiyo

Gebilay 05.April (SDN). Gudoomiyaha Gobolka Gebilay iyo Madax kale ayaa maanta kormeer ku tagay Wadada isku xidhaysa magaalada Wajaale iyo Kala baydh ooo ay haatan dhismaheedu socdo.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ismaaciil Geedi oo uu Weheliyo Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse waxay u Kuur galeen hanaanka ay u socoto hawsha dhismaha ee Wadadaas.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi ayaa sheegay in Xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay sidii ay Wadadaas u dhamaystiri lahayd waxaanu ka dalbaday Qaybaha Bulshada ee Gobolkaasi inay ka qayb qaataan hawshan balaadhan.

Dhinaca kale waxay Mas’uuliyiinta Gobolkaasi iyo kuwa degmada Gebilay soo kormeereen dooxa magaalada arabsiyo iyadoo halkaasi ka socotay hawl gal ay golaha deegaanka ee Gebilay ku banaynayeen Ciid Xidhay Wadada laamiga ah ee Gaadiidku maraan isla markaana ay ka hawl galiyeen Cagaf Cusub oo Golaha Deegaanka Gebilay soo Iibsadeen.

Maayarka Gebilay Shucayb Maxamed Muuse ayaa sheegay inay Farxad gaara u tahay in Cagaftan oo dhaqaale badani kaga baxay ay ka hawl gasho sidii ay u furi lahayd Jidka Arabsiyo iyo Gebilay ee dooxa ah kaas oo ay xidhay Ciid ka dhalatay daadadkii Xooganaa ee Maray waxaanu intaas ku daray inay Cagatani wixii Gaadiid ah ee Ka bixi kari waaya Ciida ay ka saari doonto .

Gebilay SDN.

Qurbejoog.com