Ceerigaabo 09.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa warramay dilal ka dhacay deegaanno gobolka ka tirsan, qaabka ay u dhaceen, cidda loo qabtay iyo sidoo kale dad lagu xidh-xidhay degmada Gar-adag oo ay socdaal ku joogaan isaga iyo Wefti uu hoggaaminayo oo shalay soo gaadhay magaaladaas.
Guddoomiye Ramaax ayaa sheegay inay kulammo kala duwan yeesheen Odayaasha, Maamulka, Xildhibaannada Golaha Deegaanka iyo Wax-garadka Degmadaas oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan. Sidoo kalena dhawr qof lagu xidhay magaaladaas, kuwaasoo uu xusay inaanay ahayn dad si gaar ah loo xidh-xidhay ama arrin siyaasadeed loo xidh-xidhay, balse ay yihiin dad dembiyo galay.
