|

Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani oo Ka Hadlay Ganaaxa Lacageed ee Komiishanka Doorashooyinku ku soo Rogeen & Khaladaad Dhacay Kadib Ganaaxooda!!! DAAWO

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Ku Meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka falceliyey Ganaax Lacageed oo dhan 50 Milyan oo Shilling Somaliland ah oo Guddida anshaxa ee Komiishanku ay ku soo rogeen Kadib Markii Xisbiga Waddani Lagu eedeeyey Olole Sharciga baalmarsan oo uu ka sameeyay Magaaladda Balli Gubadle.

Guddiga Ilaalinta Anshaxa ayaa War-saxaafadeed ku taariikhaysan 2-dii bishan Oktoobar, waxay ku sheegeen in Xisbiga WADDANI uu sameeyay Xeerka Anshaxa Doorashada, iyada oo aan la gaadhin ololaha Doorashadana uu Balligubadle ka sameeyay olole sababi gaadhay Amni-darro, sidaas darteed-na lagu ganaaxay 50 Milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo Digniin kama dambays ah.

Comments are closed