|

Hargaysa: Sadex Caruur ah oo Ka Soo Jeeda Qoomiyada Oromada Itoobiya oo Maanta Ku Naf waayay Kadib Markii uu Dab Qabsaday Gurigii ay ku Noolaayeen DAAWO

Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):-Sadex Caruur ah ayaa ku Geeriyooday Maanta Kadib markii uu Dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ay ku Jireen kaas oo ku Yaala Xaafada Sheedaha ee Degmada Ibraahin Koodbuur ee Magaalada Hargaysa.

Ciidanka Dabdamiska Somaliland oo uu horkacayo Taliyaha Ciidankaasi Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa daqiiqado yar kadib gaadhay Goobta isla markaana xakameeyay inaanu dabku ku fidin guryaha ku dhow dhowaa aqalkaas.

Sadexdan Caruur ah ee Shilkan dab ku geeriyooday ayaa ka soo Jeeday Qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya Sida ay Xaqiijiyeen Taliska Sare ee Ciidanka Dabdamisku,Waxayna Kala ahaayeen Laba Wiil Iyo Gabadh.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab Demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab demiska C.qaadir Cumar Xaashi ayaa ka hadlay Sababta Gubashadan keentay Waxayna Fariin u direen Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargaysa.

Dhawaan ayay ahayd markii uu siddan oo kale uu Dab u qabsaday Jiingad ku taala Xaafada Sheedaha ee Magaalada Hargaysa, Kaas oo ay ku naf waayeen Afar Caruur ah oo Sadex ka mid ahi ay walaalo ahaayeen iyo dhaawac soo gaadhay Hooyadood.

Comments are closed