|

Gudoomiyaha ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada ayaa Maanta soo gabo gabeeyay kulan hawleed lagaga hadlayay dib u eegista Xeerka Nidaamka Garsoorka

Hargeysa Feb 29,2012(SDN)-Gudoomiyaha ku Xigeenka 1aad ee  Golaha Wakiilada Mudane C.casiis Maxamed Samaale  ayaa Maanta soo gabo gabeeyay kulan hawleed mudo laba cisho socon ah socday oo lagaga hadlayay dib u eegista Xeerka Nidaamka Garsoorka kaas oo lagu qabtay Huteelka Huteelka Guuleed ee Caasimada Hargaysa.  

Waxaa aqoon is weydaarsigan ka qayb qaadanayay ku dhawaad Sideetan Xubnood oo ka kale Socday Bah’da Garsoorka,Xeer Ilaalinta iyo Mudanayaasha Golaha Wakiilada .

Gudoomiyaha Gudida Shuruucda ee Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Cismaan Caalin “C.raxmaan dheere” oo madashaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay in sababta ay kulankan u soo agaasimeen ay la xidhiidho sidi la isula meel dhigi lahaa qabyo tirka Xeerka Nidaamka Garsoorka , Waxaa kale oo Xildhibaanku Sheegay in gudi ahaan ay gole weynaha u gudbin doonaan soo ururinta aragtiyaha laga dhiibtay xeerkan si uu u noqdo ayuu yidhi mid anfaca dalka iyo dadka isla markaana lagu hago bah’da Garsoorka .

Gudoomiyaha ku Xigeenka 1aad ee  Golaha Wakiilada Mudane C.casiis Maxamed Samaale  oo xidhitaankii Kulankaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Xubnaha kala duwan ee ka kala socday Garsoorayaasha,Xeer Ilaalinta iyo Golaha Wakiilada isla markaana ka qayb qaatay aqoon isweydaarsigan .

Mudane Samaale waxa uu Xusay in Xeerarka loo curiyo inay boqolka sanno ee soo socda anfacaan dadka iyo dalkaba waxaanu intaas ku daray in Xeerka Nidaamka Garsoorku ay muhiim tahay in laga saaro wixii madmadow ah ee ku jiray.

SDN-Hargesa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed