|

Gudoomiyaha Ururka Mihnadlayaasha Saxaafada Somaliland ee Solja oo Magacaabay Xubnaha Gudida Qabanqaabada Shirweynaha 5aad

Hargaysa 31.July 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa manta magacaabay Guddida qaban qaabada Shirweynaha 5aad ee Ururka oo ku began bishan sideedaad.

Xasan Maxamed YuusufGuddoomiyaha SOLJA isagoo ka duulaya sharciga iyo Dastuurka Ururka oo Awood u siinaya magacaabisat guddida qaban qaabada waxa uu si rasmi ah manta u soo saaray liiska Toddoba xubnood oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo uu u xil saaray si ay u qabtaan shirweynaha 5aad ee Ururka oo lagu soo dooran doono hogaan iyo board cusub oo majaraha u qaban doona Ururka sadexda sano ee soo socda.

Guddida Qabanqaabada shirweynaha shanaad ee Solja (Preparatory committee of SOLJA General Assembly)

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isagoo tixraacya qodobka lixaad faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsoomo sadexdii sanaba hal mar, wuxuu magacaabay guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad isagoo tixraacaya faqrada (c) ee qoddobka lixaad.

Magacyada Guddida:

  1. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) – Waaheen
  2. Maxamed Aw Aadan Cabdi             – Freelance
  3. Barkhad Maxamed Kaariye              – SOLJA
  4. Maxamed Yuusuf  Ilkacase                – Foore
  5. Aayaan C/risaaq Jaamac                     – WIJA
  6. Salma C/raxmaan Sheekh                    – wasaaradda Warfaafinta
  7. Axmed Maxamed Jaamac                    – Somali Chanel

Waxaan aka rajaynayaa xubnaha guddida fulinta inay ansixiyaan xubnaha guddida qaban qaabada eek or ku xusan, idinka oo gudanaya waajibaadkiina distooriga ah, si aynu hore ugu sii socono qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.

Dhinaca kalena, si loo qabyo tiro distoorka ururka oo u baahan dib u eegis iyo kaabis, waxaan magacaabay Garyaqaan. Maxamed Siciid Xirsi in uu mudada shirweynaha ka horaysa ka sii shaqeeyo qabyada distoorka si shirweynaha loogagag dodo kadibna loogu Ansixiyo.

Waxa halkan ku lifaaqan hawl-maalmeedka guddida qabanqaabada shirweynaha.

Hawl maalmeedka Guddida qaban qaabada shirweyanaha 5aad ee SOLJA

  • Guddida qaban qaabadu waxay masuul ka tahay dhamaan hawlaha la xidhiidha qabsoomida iyo Habsami u socodka shirweynaha.
  • Diiwaangelinta sugida Ergooyinka Shirweynaha
  • Masuuliyada hagida shirweynaha intaan la dooran shir-guddoonka
  • In ay fidiyaan martiqaadka Ergooyinka rasmiga ah iyo goob joogayaasha shirka
  • Diyaarinta Kharashka ku baxaya shirweynaha
  • Inay ku diyaariyaan Shirweynaha mudada loo cayimay

 

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed