|

Raysal Wasaaraha Israa’il oo Nidar Ku Maray Si Kasta oo Xabad Joojin loo Sameeyo inaanu Joogsanayn Dagaalka Qasa

Gaza 31,July 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ciidammada dalkiisa ay sii wadi doonaan duulaanka Qaza tan iyo inta ay ka burburinayaan dhammaan marinada dhulka hoostiisa ah ee uu ururka Xamas dhistay.

NetanyahuNetanyahu ayaa intaa ku daray in burburinta marinada dhulka hoostiisa ah aanay joojin doonin xataa haddii la gaadho xabbad joojin buuxda.

Israa’iil ayaa si deg deg ah ugu Yeedhay 16,000 oo ka mid ah ciidammadeeda keydka ah si ay duulaanka uga qeyb qaataan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada shacabka ku barakacay dagaalka Qaza ay gaadhay Afar Boqol iyo Shan iyo Labaatan Kun oo qof {425,000 oo qof } iyadoo Laba Boqol iyo Shan iyo Labaatan Kun Boqol iyo Sideed iyo Todobaatan Qof , 225,178  oo barakacayaal ah ay ku nool yihiin goobo ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla Qaza.

Duulaanka Qaza oo bilowday saddex todobaad ka hor ayaa waxaa ka dhintay Falastiiniyiinta in ka badan 1,360 Kuwaas oo u badan Haween,Caruur,iyo dad waayeel ah halka Israa’iilna looga dilay 59 u badan askar.

Dhinaca Kale Afhayeen u hadlay dowladda Isra’iil ayaa sheegay in dowladdiisu ay baadhitaan ku samaynayso duqeynta loo gaystay Iskuulka Qaramada Midoobay ee Qaza oo 19-ka ruux ay ku dhinteen.

Qaramada Midoobay ayaa horey u cambaareysay weerarkaas, waxayna ku dooday inuu xadgudub ku yahay xeerarka caalamiga ah.

Afhayeen u hadlay Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas oo uu sheegay inaan loo dulqaadan Karin.

Weriyeyaal Booqday Iskuulka la duqeeyay ayaa sheegay inay indhahooda ku soo arkeen laba fasal oo duqeynta ku burburay, iyo sidoo kale kuraas iyo dhar dhiig leh.

Gaza SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed