Uncategorized

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ka biyo Diday Wada Hadalka Somalia iyo Somaliland

London 27Jan13(SDN)Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo ku sugan Magaalada Helsinki ee dalka Finland oo  waraysi siyey Idacada afka soomaliaga ee veooo ku hadlay Afka xisbigiisa Ucid iyo ka Somaliland-ba ayaa ku gacan saydhay,oo sheegay  inaanay Somaliland ka qeyb geli karin shirka Dawlada Ingiriisku qorshaynayso inay London ugu qabato wakiilada qeybaha Somaliya oo la sheegay inay Somaliland qeyb ka tahay.
Gudoomiye Faysal wuxuuu sida Fiinta uga qeyliyey shirkaa London,wuxuuna ku celceliyey,kuna hanjabay in qof magaca Somaliland sitaa aanu ka qeyb geli Karin shirkaa,shaqsigii magaciisa kaga qeyb gelaayaa waa yeelkadiiye.Faysal wuxuu shuruud ka dhigay oo sheegay in Somaliya iyo Somaliland wadahadli karaan iyagoo siman oo labada dawladood ah.
Faysal Cali Waraabe ayaa faahfaahiyey sababta uu ku diidan yahay in shirka London Somaliland ka qeyb gashaa tahay shirka oo ay si wadajira u gudoominayaan ama u hagayaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wasiirka Arimaha Debeda ee Ingiriiska taas darteed aan Somaliland meel uga banaaneyn shir Somaliya gudoominayso.
Faysal Cali Waraabe wuxuu kaloo sheegay inay hada wadaan abaabulkiisa shirweyne Qaran oo lagu qabanaayo dalka debediisa badhtamaha bisha Maarso 2013-ka kaas oo ay ka soo qeyb geli doonaan Dad Mudakara oo Qurbaha jooga,Aqoonyahan iyo siyaasiyiin badan oo u dhashay Somaliland oo aan fursad u haysan inay dalka gudihiisa tagaan. Sidoo kale wuxuu sheegay Faysal in dad mudakara oo jooga gudaha dalka iyana lagu casuumi doono inay shirkaa ka soo qeyb galaan.
Faysal wuxuu sheegay in shirka ay ku qabanayaan dalka debediisa ay sababtay kala daadsanaan ka jirta maamulka gudaha,wuxuuna sheegay in arimaha shirkaas lagaga hadli doono ay ka mid noqon doonaan arimaha Doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo arimaha Barlamaanka Somaliland . Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaa lagaga hadli doono arimaha Somaliya iyo arimo cusub oo ka bilowday somaliland.
Faysal maruu ka hadlaayey arimaha doorashadii golaha degaanka wuxuu waadix ah u sheegay in aduunkoo dhami wada ogaadey in doorashadii golayaasha degaanka ee dhawaan ka qabsoontay Somaliland inaanay xor iyo xalaal ahayn ee lagu shubtay ,lays boobay,dhimasho iyo dhaawacna keentay riiqdeediina weli Saylac ka taagan tahay, xalinteediina Xukumada Siilanyo ku fashilantay oo xalkeedii Wasiirada Siilanyo Jabuuti ka raadiyeen taas oo muujineysa buu yidhi halka maamulka Siilanyo maanta maraayo.

Halkan ka dhagayso waraysiga oo dhan

http://www.voanews.com/wm/voa/africa/soma/soma0330a.asx