|

Gudoomiye Cirro oo Saaka u ambo baxaya Gobolka Awdal oo ay ka bilaabmi doonto Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta safarkii sama-wade lugtiisii labaad ugu socdaalaan gobolada galbeedka dalka.

samowadeMd C/raxmaan cirro iyo wefti uu hoggaaminayo,ayaa safarkan sama-wade la magac baxay lugtisii hore ku soo gaala bixiyey gobolka Togdheer iyo deegaanada hoos yimaada,waxaanu guddoomiye cirro balan qaaday intii uu socdaalka sama-wade ku marayey deegaanada gobolka Togdheer inuu safarkan sama-wade noqon doono mid uu ku soo mari doono gobolada dalka oo dhan,isagoo tixgelinaya balankiisii uu hore u qaaday, ayaa la filayaa in maanta socdaalkii hore loogu wanqalay sama-wade lugtiisii labaad uu ugu kicitimo Mr Cirro gobolada galbeedka dalka.

Socdaalkan Sama-wade lugtiisa labaad ee uu guddoomiye cirro ugu kicitimayo gobolada galbeedka dalka,ayaa waxa ku weheliya mas’uuliyiin miisaan culus oo ka soo jeeda gobolada galbeedka dalka,kuwaas oo iskugu jira xildhibaano iyo masuuliyiin kale, waxa kale oo iyana socdaalkan ku wehelin-doona masuuliin kale iyo xildhibaano ka kala tirsan golaha wakiilada somaliland, guurtida,kuwaas oo ka tirsan xisbiga WADDANI.

Guddoomiye Cirro iyo weftiga uu horkicidoono ayaa la sheegay inuu ujeedada safarkooda sama-wade lugtiisa labaad ay tahay mid lagu wacyigelinayo shacabka ku dhaqan gobolada galbeedka dalka inay kaadhadhka diiwaangelinta codbixinta qataan oo ay si diiwaangeliyaan,madaamo oo ay diiwaangelintaasu ka bilaamayso gobolka Awdal,waxa kale oo socdaalkan sama-wade la filayaa in xaalada abaarta xun ee saamaysay dadka iyo duunyada gobolada galbeedka dalka taakullo balaadhan lagu gaadhsiiyo,isla markaana loo kuurgallo xaalada ay ku sugan yiihiin dhankastaba..
Dhanka kale gobolada galbeedka dalka ayaa laga darreemayaa qaban-qaabada soo dhaweyn baaxadle ee lagu qaabilayo guddoomiyo cirro iyo waftiga uu haggaamindoono marka ay gadhaan maalinta bari ah,isla markaana wuxuu ka bilaamayaa socdaalka sama-wade lugtiisa labaad gobolka gabiley,kadibna wuxuu uga gudbayaa gobolada kale.

Ugu dambayntii guddoomiye cirro iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inuu safarkooda Sama-wade noqon-doono mid qaata mudo 10 cisho ku dhaw, waxaana la sheegay in lagu soo koobayo miyi iyo magaalaba gobolada galbeedka dalka oo dhan, waxaynu dhawrnaa waa safarka sama-wade lugtiiisa labaada oo la filayo inay maalinta beri ah ugu kicitimaan masuuliyiinta xisbiga WADDANI galbeedka dalka.

Comments are closed