|

Gudoomiye Qarjab oo ka hadlay Amniga G/Nugaal iyo Hawl galo ay Ciidamada amaanku fuliyeen

Garowe 31.July (SDN) Maalmihii ugu danbeeyay ciidanka amaanka gobalka Nugaal ayaa ka waday magaalada Garowe hawlgal balaaran oo lagu xareynayo gaadiidka Bacda Madow ”Beersalka” oo muddo markii la joogoba lagu qaado abaabul.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ”Qarjab” oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa sheegay sidoo kale inay bilaabi doonan maalmaha soo socda baaritaano cusub,taasoo loola jeedo in amaanka si wayn loo xaqiijiyo.

Qarjab ayaa sheegay inay ciidanka ka feejiganyihiin weeraro la sheegay inay Al-shabaab qorshaynayso maalmaha ugu danbeeya Ramadaanka ,isagoona u digay dadka guryahooda ka kireeya cid aysan aqoonin.

Gudoomiye Cabdi Xirsi ayaa shacabka reer Garowe ugu baaqay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidanka amaanka oo ay qaataan awaamiirta kazoo baxay shirarka guddiga nabadgalyada,wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin gaadiidka bilaa aqoonsiga ah ee magalada dhexmaraya iyo waliba kuwo leh Muraayadaha madow.

”Ciidamo khaas ah ayaa mari doona hoteeelada iyo xaafadaha waxayna baaritaan ku samaynayaan xaafadaha si looga wada shaqeeyo amaanka,waxaa soo dhow ciidii marka waa muhiim in laga wada shaqeeyo amniga” Ayuu yiri.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa digniin adag u diray dadka isticmaala gaadiidka beersoolka lagu dhajiyo,wuxuuna sheegay inta loo asaxay ma ahane kuwo kale tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed