|

“Haddaan Siyaasi ahay, Been, Carrab-jalaq, Musuqmaasuq & Khiyaamo-ba Waad igu Arki lahayd..” Maayerka Berbera

Berbera 26. November 2016 (SDN/QJ):- Maayerka magaalada Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee degmadaas Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa dhaartii la mariyey markii uu xilka qabtay ka dib mar kale meel fagaare ah kaga dhaartay inaanay jirin wax hanti ah oo uu ummadda ka lunsaday inta uu xilka hayey, isla markaana aanay jirin wax musuq ah oo uu sameeyey, maaddaama oo aanu siyaasi ahayn sida uu ku dooday. Hase-yeeshee, haddii uu Siyaasi yahay uu samayn lahaa musuq, been iyo khiyaamo-ba.

maayerka-berbera-cabdishakuur-maxamuud-xasan-cidin-2016Maayer Cidin oo mid ka mid ah Shalinyarada Reer Berber, weydiiyey, isla markaana ka dalbaday inuu ugu dhaarto muddada uu xilka hayey waxa ku kordhay hantidii uu hore u lahaa iyo halka dakhligeedu ka soo galay, mar dhawaan uu fadhiyey Barnaamijka la yidhaahdo Qanci Dadkaaga oo Horn Cable TV baahiyo, ayaa Cabdishakuur Cidin oo lagu casuumay, waxay Dadweynaha reer Berbera ee ka qaybgalay kulankaas su’aalaha lagu weydiinayey Maayerka weydiiyeen su’aalo badan oo kala duwan oo ay su’aashani ka mid ahayd, taasoo iyada iyo jawaabta uu Maayerku ka bixiyey-ba u dhaceen sidan hoos ku qoran:-

“Magacaygu waa Cabdiqani Ciise, su’aashaan ku weydiinayaa Maayer waxa weeye; 21 Xildhibaan baad ku joogtaan Golaha Deegaanka Berbera maydaan lahayn Hanti Buuran marka adiga iyo dhawr kale laga reebo, markaa, waxaad Caawa noogu dhaarataa Maayer, wixii Hanti aad lahayd ee hore waxa kuugu biiray Dakhligeedu halkuu kaa soo galay?

Waxaanu su’aashaa Maayer Cabdishakuur Cidin kaga jawaabay; “Horta Dhaartu halis weeye, Qaranka waan u dhaartay, adigana waan kuu dhaartay oo Kitaab baan hore gacanta u saaray, Ninku hadduu mar dhaartana mar labaad lama dhaariyo, Illaahay baan ku dhaartay, Illaanayna waxna looma basaaso, loomana sheego ee Illaahay isagaa Quluubta Dadka daalacda.”

“Laakiin, waxaan kuu sheegayaa si aynu labadeennu isu baranno oo isu fahanno, Anigoon Maayerkii ahayn ee Cabdishakuur Cidin ah, horta Hantidayda soo baro, Kharaabadahan Daaroole iyo Barwaaqo ka buuxa, waxna Awoowgay baa lahaa, waxna Aabbahay, waxna Anigaa leh. Geel baan leeyahay oo Adhi baan leeyahay, Beeraan leeyahay, Macdantaan ka shaqeeyaa. Siyaasi ma ihi Anigu, Farsamo-yaqaan baan ahay, waan kuu shaqeeyaa, haddaan Siyaasi ahay, Been, Carrab-jalaq, dhaafdhaaf, Musuqmaasuq iyo Khiyaamo intaba waad igu arki lahayd.” Sidaa ayuu yidhi Maayer Cidin oo Jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii watay.

Waxaanu Maayerka Berbera oo sii wata Jawaabta Su’aashaas, uu yidhi; “Laakiin, waxaan kuugu dhaaranayaa Anoo hore u dhaartay Hantidayda waxaygii oo ila kobcay oo ila koray mooyee Hanti aad leedahay inaanay igu maqnayn iyo mid ummaddu leedahay toona, weliba waxaan jecelahay inaan ku macsuumoo Maalinta Jimcaha oo keliya aad ii timaaddoo I raacdo, Toban Jimce dhammayn kari maysid Hantidayda haddaan ku geeyo. Jimcaha oo qudha ayaan haleelaa Hantidayda inaan arko oo soo ooge, labada gelin-bana waan ku maqanahay oo xataa Taleefankayga heli maysid Jimcayaasha.”

Comments are closed