|

Somaliland oo Gacanta ku Dhigtay Askar ka Tirsan Liyuu Booliiska iyo Xog Waranka Talliye Fooxle DAAWO

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigeen 7-askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis ee DDSI iyo gaadhi qori saarnaa, kuwaasi oo kusoo xad-gudbay xuduudka Somaliland ee dhinaca degmada Faro-wayne – sida uu warbaahinta u sheegay Taliye-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.

Taliye Fooxle waxa uu sheegay in ciidanka gacanta lagu soo dhigay lagu xidhay xarunta dambi-baadhista ee CID’da Hargeysa kaddibna markii loo tilmaamay in aanay dalka Somaliland sharci darro kusoo geli karin loona sheegay khaladka ay galeen dib loogu celiyey dhinaca dalkooda.

Fooxle waxa kale oo uu intaasi ku daray in arrintani ay tusaale u tahay in mar dambe si sharci darro ah ciidanka Liyuu Boolis ay kusoo galin gudaha dalka Somaliland.

Comments are closed