|

“Haddii Aanay Somaliland Ka Qayb-qaadan Aftida Dastuurka, Waxaynu U Muuqaneynaa Inaynu Ka Maaranay..” Soomaaliya

Muqdisho 21. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay sheegtay inaan Dastuurka ku meel-gaadhka loo qaadi karin Afti Dadweyne, haddaanay ka qayb-qaadanayn Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu Hoggaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), waxay sheegtay inay muhiim tahay in laba Sannadood ka dib Dastuurka ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya loo qaado Afti Dadweyne isla-markaana ay ka qayb-qaataan Shacabka Somaliland, haddiise Dastuurka loo qaado Afti aanay qayb ka ahayn Shacabka Somaliland ay taasi ka dhigan tahay in Somaliland ka Madax-bannaan tahay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marka la soo gaba-gabeeyo dib u eegista Dastuurka lagu samaynayo uu Baarlamaanka labada Aqal uu ka Talo gelin doono, ka dibna ay cod u qaadayaan, “Dastuurka waa in Afi loogu qaadaa labo sano gudahood si uu xalaal u noqdo, in Ammaanka noo ogolaan waayo waa laga yaabaa, haddii Amniga noo ogolaadan, tan siyaasiyadda ayaa iyana caqabad ah, maxaa yeelay Somaliland oo ka maqan Afti lama gelin karo Dastuurka”ayuu yidhi Wasiir Xoosh, waxaanu intaa sii raaciyey in haddii Afti loo qaado Dastuurka, iyadoo Somaliland maqan ay u muuqaneyso in laga maarmay oo ay ku noqoneyso dal ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, “Haddii aanay Somaliland Aftida ka qeyb qaadan, waxaynu u muuqaneynaa inaynu nidhi waanu idinka maaranay (Somaliland), markaa waa inay Daaqaddu furnaato, si ay Federaalkan socda uga soo qeyb geli lahaayeen”

Dawladda Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta diyaarinta Afti loo qaado Dastuurka ku meel-gaadhka ah, waxaana Maalmihii u dambeeyay Wasaaradda Dastuurku ay kulamo Magaalada Muqdisho kula yeelanaysay Madax ka socota Maamul-gobolleedyada ka midka ah Dawladda Federaalka, si looga dhaadhiciyo Qorshaha Aftida loo qaadayo Dastuurka, laakiin waxa muuqata haddii Amniga Soomaaliga suurto-geliyo in Aftidan la qaado, aanay Suurto-gelaynin in Shacabka Somaliland ka qayb-qaataan, maaddaama oo Somaliland ay Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 27 Sannadood ka hor, diyaarna u ahayn inay dib ula midowdo.

Comments are closed