Hargaysa 26.June 2014 (SDN/QJ)- Waa Barnaamij ku saabsanyahay taariikhda soo ifbaxii Aragtida Somaliweyn, dhalashadii midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, iyo sidii Somalia iyo Somali Galbeed midnimadaas u aaseen, yididiiladii Somaliweyna uga dhigeen raja-gab.
Figradda Somaliweyn waxay xooggeedu soo ifbaxday badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939-1945) xilligaas oo ay bilaabmeen halgamadii siyaasiga ahaa ee gobonimadoonka Somaliyeed oo socday intii u dhaxaysay 1943-1960.
Halgamadaas oo ay hormood ka kala ahaayeen Xisbigii SYL oo la aasaasay 1943 una halgamayey xornimada Gobolladii Koonfurta oo maanta ah Somalia iyo Xisbigii SNL oo la aasaasay 1947 una halgamayey xornimada Gobolladii Waqooyi oo maanta ah Jamhuuriyadda Somaliland.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KAGA BOGO BARNAAMIJKAN RADIO QURBEJOOG
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/LixdankiiIyoDareen26j.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com
