|

“Isbahaysigu Afduubkii ay ku sheegeen Kulmiye waxay ka sameeyeen Xisbigay u tageen, inay boqollaal sharci-darro iyo Gole dhexe oo aan jirin Nin ku dulmaan, Ninna ku soo Saaraan..” Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici

Hargaysa 01. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inuu fashilmay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani marka la eego qaabkii uu u dhacay Shirkiisii Golaha dhexe oo Sabtidii toddobaadkii hore lagu soo gebo-gabeeyey Hargeysa markii Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka lagu doortay, waxaanu sheegay Saylici in Xisbigaasi ku kacay Sharci-jebin.

saylici-iyo-xafladii-kulmiyeCabdiraxmaan-Saylici oo sidoo kale ah Musharraxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa sheegay in Siyaasiyiintii la baxay Isbahaysiga Kulmiye ee dhawaan ku biiray Waddani ka carareen inay ku tartamaan Gole dhexe oo sharci ah oo tiradiisu Hay’adaha Sharciga dalku hayaan, isla markaana ku biireen Xisbi Golihiisa dhexe sharci-darro iyo daba-furan yihiin oo aanay cayinnayn, isla markaana Afduub ay ku eedaynayeen Kulmiye ay hadda ka sameeyeen Xisbiga ay ku biireen ee Waddani.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad lagu soo dhaweeyey Xubno ku biiray Xisbiga Kulmiye oo lagu qabtay magaalada Gabiley, waxaanu yidhi; “Ninka wax dhalliilayaa ama wax dhaleecaynayaa inuu isagu isa saxo ayaa qurux badan. Annagu waxaannu ummadda reer Somaliland u sheegaynaa dhalliisha jirta ee caytan kuma jiro. Xisbiga Waddani wuu fashilmay, wuxuu ku fashilmay tallaabadiisii koowaad ee uu ku soo saarayey Musharrixiintiisa u tartamaya doorashada soo socota ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka u soo saarayey.”

Madaxweyne Ku-xigeenka oo faahfaahinaya qodobbada uu sheegay inuu Waddani ku fashilmay, waxa uu yidhi; “Siduu ugu fashilmay baan idiin sheegayaa, Qarankani wuxuu sameeyey Shuruuc weliba muddadii aan Xukuumad ahaan joognay, markii hore Nin weliba Xisbiyada Qaranka Xeerkiisa, Tirada Golihiisa dhexe iyo Tirada Golihiisa Fulinta Jeebkuu iskaga haysanayey oo cidina lamay ogeyn, laakiin maanta Guddoomiyaha Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xeerkii uu sameeyey wuxuu qeexayaa in qolo kasta ama Xisbi kasta ama Urur kasta oo abuurmaa wixii uu samaysto ee sharci ah, tirada Golaha dhexe iyo tirada Golaha fulinta in la geeyo Hay’adaha Sharciga.”

Md. Saylici oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Dhammaan saddexda Xisbi Qaran ee soo baxay tirada Golohooda dhexe, tirada Guddigooda fulinta iyo Hoggaannadooda kala sarreeyaa waxay yaallaan Hay’adaha Sharciga oo ay koow ka tahay Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka, laba ku tahay Xeer-ilaalinta Qaranka, ay saddex ku tahay Maxkamadda Sare oo uu afar ku yahay Komishanka doorashooyinka Qaranku.”

“Wuxu ku fashilmay in tiradii u diiwaangeshanayd ee sharciga ahayd oo aad u koobnayd oo 250 lagu sheegayey. Waxay Carabtu ku maahmaahdaa Faracu Asal kama bato, Xisbi hadduu tiro asal ah noqdo wuxuu noqonayaa wax kooban oo aan asalkii dhaafin, waxaynu ognahay 250 inay ku dul-dareen Shan boqol oo aan sharci ahayn. Ummaddu inay fahanto weeyaan, halkay wax ka qalloocdeen ee ay Cadaaladdii ka qalloociyeen waxa weeyaan Gole aan jirin oo aan sharciyeysnayn oo aan nidaamkii sharci loo marin ayey wax ku doorteen, taasina waata keentay cadaalad-darrada. Ninka Maanta Golihiisii maamuli kari waayey Qaran Maamulkiisa kama sugayno.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Saylici.

Saylici oo ka hadlayey, Siyaasiyiintii Isbahaysiga Kulmiye la baxay ee dhawaan ku biiray Waddani ee uu Xirsi oo Hoggaamiyaha Waddani loo magacaabay hor-socday iyo waxay ku kordhiyeen Xisbigaas, waxa uu yidhi; “Saaxiibbadayda Kulmiye ka cadhooday waxay yidhaahdeen; ‘Rag baa loo afduubay Xisbiga’ Annaga Xisbi nalooma afduubine Xisbiga Kulmiye Golihii dhexe ee ay sameeyeen ayey ku kalsoonaan waayeen inay doorasho kaga qaybgalaan, wax lagu darayna ma jirin. Golihii dhexe ee 2012-kii Kulmiye geeyey Hay’adaha Sharciga maalintii Nooveember (bishii 11-aad) 2015-kii doorashadu dhacaysay Qof laguma darin, Golihii sharciyeysnaa ayaa lagu kala baxay oo wax lagu doortay, kaasay ka carareen.”

“Afduubkii ay ku sheegeen Kulmiye waxay Maanta ka sameeyeen Xisbigay u tageen (Waddani), inay boqollaal sharci-darro ah iyo Gole dhexe oo aan jirin oo aan sharci ahayn Ninna ku xumeeyaan oo ay ku dulmaan, Ninna ku soo saaraan. Ninka Gole layaqaanno oo sharci ah haddii lagaga badiyo ceeb maaha, laakiin haddii lagu dilo Gole aan la isku ogeyn, taas baa sharci-darro ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

Comments are closed