|

Haldoor Rashiid Sulub Caalin oo Shaaciyey inuu u Tartami doono Doorashadda Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargaysa Si uu u Hanto Jagada Maayarka Caasimadda Iyo Toban Jago oo uu qaadanayo.

Hiigsiga iyo hammiga adduunku wuxuu ahaa soo jireen laga soo bilaabo markii adduunkan Eebbe (SWT) korkiisa inagu uumay, waana xikmad Ilaahiya ah si aynu geeddiga nolosha ula talaabsanno isla markaana hore aynu ugu soconno  dariiqiisa wanaagsan kana dabaallano carqaladaha inaga hor yimaadda uguna mahadnaqno nimcooyinka uu ina siiyey. Sidaa awgeed, anigoo arrintaas ka duulaya ayaa waxaan u sheegayaa walaalahayga reer Hargeysa, inaan ahay murashax doorashooyinka Golayaasha Deegaanka 2019-ka horraantiisa dhici doona. Waxaanan ku tallo jiraa inaan noqdo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa.

Sida aynu ognahay, wax waliba waxay u baahan yihiin qorshe lagu wajaho si loo gaadho arrimaha aad hiigsanayso, waana halkii uu yidhi abwaankii waynaa Alle ha u naxariistee Timacadde ‘Miiraale hortii ayaa guryaha la iska sii moosaaye. Sida aad igu waafaqi kartaana qofkii aan qorshe iyo dadaal la iman Ilaahayna aan tallo saaran waxa hubaal ah in daadku qaadayo. Sidaa awgeed, waxaan halkan ku soo bandhigayaa qorshahayga aan is leeyahay waxaad wax kaga qaban kartaa waxyaalaha qaldan, isla markaana aan ku horumarin karo wixii jiray, qoshahaasi oo aan u bixiyey “MAHIIGAANKA DARAJAALE’. Haddii aan jilciyo odhaahda halku-dhigayga gaar ahaan da’yarta, Mahiigaan waa roob weyn oo aad u da’a oo onkod badan, isla markaana arlada uu ku beegan yahay maansheeya. Taasi waxaan ugala jeedaa, oo ay muhiimadaydu tahay, in uu maamulkaygu ka dhigan yahay Mahiigaankaasi maydhaya, masaxaya, nadiifiniyaoo hore u marinaya magaalada Hargeysa marka ay noqoto Maamulka shaqadayda.

Madaxdii iga horraysay ee ilaa lixdankii maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa hogaaminayey wixii ay hagradeen, baal mareen, waqtigu u saamaxi waayey iyo carqaladihii ay mari kari waayeen waxaan boqolkiiba boqol rumaysanahay in aan ku guulaysan doono Insha Allah, anigoo Maamuladii hore intii dhimatay iyo inta noolba u ducaynaya oo leh Ilaahay ha idinka jasaa’I siiyo. Sidoo kale, Darajaale waxaan u soo qaatay in aan soo celin doono, oo aan soo noolayn doono, sharaftii, cisigii, kala dambayntii iyo maamul wanaaggii ay ugu adeegi jireen Madaxdii hagaagsanayd ee soo martay ilaa lixdankii Magaalada Hargeysa. Taasi oo aan u arko, lagama maarmaan mudan sida dad badani igu waafaqsan yihiin, in Maamulkii magaalada Hargeysa dhulka afka daray. Shaqada iyo u adeeggidda bulshada ee aan ballan qaadayo igama aha magac doon, adduun raadis, kooxaysi, reeraysi iyo arrimo gaar ah, ee waa mid aan ku khasbanahay markii aan isla tashaday marka la eego xaaladda guud ee uu ku jiro maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa qorshahayguna waa sidan.

  1. Markaan arkay xaaladda biyo la’aanta ee aan indhaha laga qarsan karayn, oo ay sababeen dhowr arrimood oo la iska wada fahmi karo, anigoo tixgalinaya dadaalada ay ugu jiraan Dowladdii hore iyo ta maantuba lana shaqaynaya dhammaan hay’adaha ku lug leh uguna mahadcelinaya Dowladihii bixiyey taageerada lagu hirgalinayo biyo galinta Hargeysa, ayaa waxaan ku ballan qaadayaa, oo aan dedaalkaygana iskugu gaynayaa marka aan qabto maamulka haddii uu Ilaahay ii qoray, in aan magaalada Hargeysa lagu arki doonin guri aan biyo lahayn, isla markaana aan dhisi doono barkado ku qorshaysan xaafadaha Hargeysa 2 sanno gudahood oo danyarta iyo looma ooyaanku bilaash uga cabbaan.
  2. Markii aan xog ogaal hoose u ahay xaaladda Xabsiyada Dalku ay ku sugan yihiin, anigoo aan cidna ugala jeedin ku xumee lana wada garawsan yahay cidhiidhiga ka jira xabsiyada. Sidaa awgeed, waxaan sannad iyo badh gudahood ku dhisi doonaa deegaanka Hargeysa Insha Allah 5 xabsi oo kala ah, Xabsi u gaar ah carruurta ka yar 18 jirka, xabsi u gaar ah dumarka, xabsi u gaar ah maxaabiista xanuusanaya oo layskugu keeno laguna daweeyo waana cisbitaal jeel ah inta ay xidhan yihiin, xabsi u gaar dadka gaysta dambiyada waa weyn oo lagu xidho dadka khatarta ku ah dadka iyo Dalkaba, oo ay ilaalintiisu tahay heerka ugu sarreeya (Maximum Security Prison) iyo xabsi gaar ah oo lagu xidho dadka daynta loo haysto, siyaasiyiinta, madax dhaqameedka ee maxkamaduhu xukumaan. Waxaanan kala shaqayn doonaa Wasaaradda Caddaaladda iyo Ciidanka Asluubta, anigoo raacaya dhammaan nidaamka jeelalka adduunka lagu maamulo ee casriga ah.
  3. Markaan darsay faa’iidada iyo baahida aynu u qabno gaadiidka Caasimaddu in ay helaan caymis, waxaan u samayn doonaa dhammaan gaadiidka caasimadda caymis buuxa. Sidoo kale, waxaan ka mamnuucayaa Magaalada Caasimadda gaadiidka muddada dheer socday ee waxyeelayn kara dadka, xoolaha iyo hantidaba. Sidoo kale, waxaan soo rogi doonaa in aan ka mabnuuco gaadiidka gaboobay ee kolba meel lagaga tago iyo koontiinarada, waxaana lagu ururin doonaa xerooyin.
  4. Markaan xaqiiqsaday ee aan dhinac walba ka eegay xadhkaha laydhka iyo telefoonada ee magaalada Hargeysa dhex mara, waxaan soo dajin doonaa in la marsiiyo nidaamka adduunyadu u maamusho xadhkahaasi, anigoo kaashanaya dhammaan qeybaha ay danaynaya.
  5. Markaan murugo la jiifi waayey, ee aan arkay in dadkii waa weynaa ee aabbayaasheen iyo awowyaasheen ahaa rag iyo dumarba in aanay mari karayn magaalada Hargeysa dhexdeeda, oo ku cayuuqan yihiin guryaha iyo masaajiddada hortooda qaarna miyi la geeyey amma debadda loo qaaday, oo aanay gaadiidka badankiisu u tudhayn kana istaagayn maalin walbana wax lagu yeelo magaalada dhexdeeda oo dhibaato ku qaba, in aan ku khasbo darawaliinta nidaam adag oo dadka waa weyn lagu ilaalinayo. Taasi oo aan ku qaban doono 6 bilood gudahood, anigoo kaashanaya Dowladda dhexe iyo ciidamada ammaanka.
  6. Markaan arkay in ay magaaladda ay ku soo badanayaan dadka maskaxda ka xanuusanaya, oo ay ku jiraan daryeel la’aan badankoodu, waxaan amri doonaa in 2 cisbitaal magaalada debadeeda looga dhiso oo ilaalin xoog leh loo sameeyo oo midna ragga yahay midna dumarka yahay, isla markaana wixii dhaqaalayn iyo daawayn ah halkaa lagu siiyo, anigoo kala shaqaynaya dhammaan qeybaha ay khusayso.
  7. Markaan arkay sidaad ogtihiin, in Magaalada Hargeysa goobaha ganacsigu uu ku badan yahay ee cidhiidhiga ah aanay lahayn waddooyin uu u soo maro gurmadka Dabdamisku haddii uu dab kaco. Taasina aan u samayn doono muddo sannad gudihii ah.
  8. Markaan arkay da’yarta danyarta ah oo aan lahayn garoomo ku filan oo ay kaga maarmaan wixii dib u dhigaya, waxaan samayn doonaa garoomo badan oo ay carruurta caasimadda Hargeysa ku nooli ku ciyaaraan oo bilaa lacag ah. Sidoo kale, waxaan samayn doonaa meelo beero ah oo ay bulshadu ku nasato maalmaha fasaxa ah, anigoo kala shaqeynaya xukuumadda dhexe.
  9. Markaan u fiirsaday dhaqanka nadaafadda magaalada Hargeysa, waxaan ka mabnuuci doonaa dhaqanka xun ee ah in biyaha wasakhda ah lagu soo daadiyo debadda amma waddooyinka. Sidoo kalena, waxaan ka jari doonaa Caasimadda maqaaxiyaha ku yaalla daasadaha shaaha lagu kariyo.
  10. Markaan arkay nidaamka ganacsatadu u rogaan alaabta, waxaan soo saarayaa muddo 3 bilood gudahood ah, in gaadiidka laga rogo alaabta amma lagu raro waqtiyada ay baabuurtu yaraato sida ay u dhaqmaan adduunku.
  11. Markaan arkay nidaamka dhismayaasha Caasimadda, waxaan ku khasbi doonaa Injineeradda Dowladda Hoose ee Hargeysa in ay ahmiyadda weyn siiyaan barking-ka iyo dariiqa la marayo marka meel la dhisayo magaalada Hargeysa.
  12. Waxaan ka mabnuuci doonaa sannad gudihii in laga mabnuuco dhuxusha magaalada gudaheeda lagu shito, isla markaana loo kabi lahaa lahaa sidii dadka danyarta ahi u heli lahaayeen gaasta.
  13. Waxaan 3 bilood gudahood si buuxda u mabnuuci doonaa gaadiidka qaada ciidda, jaajuurka iyo dhagaxu in ay socdaan iyagoo aanay xidhnayn dabada gaadhigu. Sidoo kalena, waxaan mabnuuci doonaa in la arko gaadhi qashin sida oo aanay dushiisu daboolnayn.
  14. Waxaan buur dheer iyo mid gaabanba u fuulayaa sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa gaar ahaan magaalada Hargeysa, anigoo nidaamka dayn bixinta (mirco-finance) u maalgalin lahaa iyo sidii xirfado loogu samayn lahaa.
  15. Waxaan habbayn doonaa magaalada dhexdeeda iyo nidaamkeeda, isla markaana waxa meel la saari doonaa dadka xumaynaya nidaamka magaalada gudaheeda.
  16. Waxa aan samayn doonaa in lala xisaabtamo waalidka dhalay carruurta anshax xumada ku kacda iyo amni darrada Caasimadda muddo 3 sanno ah, waxaanan u samayn doonaa qeyb gaar ah oo ay ka shaqeeyaan shaqaale u tababaran.
  17. Wax kastaba ha igu qaadatee, waxaan wax ka qaban doonaa qaadka la cuno aroortii ee la yidhaahdo Jabbanaha, waxaanan la kaashan doonaa ciddii ay khusayso.
  18. In xamaamyada Caasimadda lagu tababaro habka nidaamka caafimaadka bulshada loo ilaalin lahaa laguna taageero.
  19. In 2 sanno gudahood loogu dhiso 1000 guri shaqaalaha Dowladda Hoose Hargeysa, mushaharkooda hooseeyana aan wax ka qabto iyagana aan ku amro inay shaqadooda iyo nidaamkoodu si fiican bulshada ugu adeegaan oo la xisaabtan leh.
  20. In aan joojiyo dadka iibiya muraayadaha indhaha ee dhakhtaraddu qoraan iyo caddarada ee suuqa la wareega si waxyeeladooda loo yareeyo oo meel loogu soo hagaago alaabtaasi.
  21. Muddo sannad gudaheed ah, waxaan Caasimadda ka mabnuuci doonaa toorrida iyo bakooradda.
  22. Waxaan dedaal weyn ku bixin doonaa in waddooyinka Caasimaddu noqdaan qaar wada casriya oo leh laydh iyo biyo mareeno nidaam fiican.
  23. Waxaan samayn doonaa In aan lagu arag Caasimadda askari loo gaysanayo aflagaado iyo gacan ka hadal oo dhaqan xun ah muddo 6 bilood ah ah.
  24. Waxaan dhisme aad u qurux badan uga oo ay xurun dhexe ka dhigtaan uga dhiso Caasimadda Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista, isla markaana taariikh laga qoro dadkii aas-aasay ee wanaaggaas keenay.
  25. In aan ka mabnuuco Caasimadda Xoolaha lagu dhex dhaqo iyo dooxa Hargeysa ee ciidda laga guro.
  26. In aan mashruuc gaar ah u sameeyo dadka la hayb sooco oo badhi taageer u ah xagga adeegyadooda aas-aasiga ah, isla markaana aan guryo kale uga dhiso xaafadaha kale si ay u dhex dagaan meel kasta. Sidoo kale, waxaan guur wadareed u samayn doonaa iyaga iyo beelaha kale ee dega magaalada Hargeysa. Sidoo kale, waxaan kobcin doonaa farsama-yaqaanadooda in la baro farsamadan casriga ah ee lagu shaqeeyo.
  27. In aan Golaha Deegaanka aan ku hogaamiyo haddii 2 sanno gudahood aan qorshayaashaas iyo kuwa kaleba aanu qaban wayno aanu is casilno.
  28. In Dowladda dhexe kala shaqayno khilaafka culimada iyo kooxaysigooda.
  29. In dhulka la iska qabsanayo ee boqolaalka kilomitir ah in cashuur adag lagu soo rogo, isla markaana 100% la raaco nidaamka Dowladda Hoose.
  30. In aan hirgaliyo barnaamijka Daryeelka Ganacsatada kuwa waa weyn iyo kuwa yar yarba maadaama cashuur badani ka soo hoyato.
  31. In dhammaanba la soo celiyo dhir beeristii caasimadda.
  32. In aan mabnuuco baabuurta waa weyn ee xoolaha u qaadda magaalada Berbera in ay xoolaha qaadaan waqtiga qoroxdu kulushahay.
  33. Waxaan xoog weyn aan saari doonaa sidii magaalada looga joojin lahaa in reer reer loo dago, waxaanan keeni doonaa nidaam sahlan oo lagaga gudbo arrintaasi, tusaale ahaan waxaan muddaba siin doonaa in xaafad la dhiso oo inta kale la joojiyo.
  34. Waxaan samayn doonaa ciidan gaar ah oo la dagaalama magaalo joog xumada nooc kastaba.
  35. In maalgashiga caalamka u soo jiido Caasimadda kulana tartamo gobolada kale iyo Waddamada jaarka ah si cashuur badani uga soo hoyato sida warshadaha iyo bangiyada nidaamka Islaamka ku dhaqma, oo uu shaqo abuurna u yimaaddo.
  36. In aan u sameeyo talaagado waa weyn oo lagu kaydiyo khudaarta iyo hilibka suuqa wadhan ee maalintaa soo hadha si aanay u khasaarin una xumaanin.
  37. Waxaan samayn doonaa in Dowladda Hoose ay samayso guryo isku xidhan oo la kireeyo si dadka danyartuna ay u kiraysan karaan dakhlina uga soo galo.

 

  1. In nidaamka shaqada iyo shaqaalaha 100% la toosiyo nidaamka saxda ahna la raaco.

 

  1. Waxaan wax ka qaban doonaa dawarsiga magaalada ee xadhko goostay.
  2. Waxaan wax ka badalayaa nidaamka La socodka iyo daba orodka askarta badan ee Mayorka.
  3. Waxan xaraan maqdaca ka dhigaya Mayor iyo masuul kale oo guryahooda loogu tago amma xil loo daba rooro amma arrin loogu dhammeeyo si qayrul sharciya.
  4. Waxaan u magacaabi doonaa Dumar hawl kar ah guddoomiyeyaasha Degmooyinka Caasimadda qaar ka mid ah.
  5. Waxaan mabnuuci lahaa in lacag ajanabi si hoose iyo si cad loogu bixiyo dhakhliga Dowladda Hoose.
  6. Waxaan samayn doonaa hogag waa weyn oo qashinka lagu guro oo muddo dheer shaqeynaya oo habkii ugu dambeeyay loo habeeyey, iyadoo wixii dib loo isticmaali karana dib looga faa’iidaysan karo (recycling). Sidoo kale, waxa la ganaaxi doonaa ciddii qashinka la qaadayo ku dhex darta amma xil iska saari wayda kutubta guryaha taalla, waxaana la fari doonaa in ay daryeelaan amma ay kutubta goo’goda ay u geeyaan guddiga isku xil saartay inay daryeelaan Qur’aanka Kariimka ah.
  7. Waxaan samaynayaa in solar system-ka laga faa’iidaysto oo aan dhiirigaliyo.
  8. Waxaan aad muhiimadda u siin doonaa xagga shaqo-qorista kuwa qaadka iyo sigaarka aan cabbin lana dhuuman karin.
  9. Waxaan joojin doonaa ajnabiga uu qof walba soo kaxaysanayo ee qasab lagaga dhigayo in aan la kulmo oo wakhti iga qaada ee badankoodu u socda istusnimada.
  10. Waxaan joojin doonaa casuumadaha, xafladdaha iyo shirarka wakhti lumiska ah ee naloogu yeedhi doono. Waxaana loo samayn doonaa cid u xil saaran oo madaxda waqtigooda badbaadisa.
  11. Waxaan ka samayn doonaa Radio Hargeysa iyo T.V-ga Qaranka barnaamij 30 daqiiqo soconaya usbuucii, oo gaar u ah hawlaha Dowladda Hoose iyo danaha bulshada.
  12. Waxaan u samayn doonaa xafiis gaar ah oo hawlaha Madax-dhaqameedku Dowladda Hoose u yimaaddaan hubiya isla markaana toosiya.
  13. Waxaan u samayn doonaa Caasimadda Cusbataal u gaar ah bilayska oo lagu daweeyo bilayska, carruurtooda iyo xaasaskooda oo dhamaystiran.
  14. Waxaan u samayn doonaa aqoonsiyo gaar ah oo lagu kaantaroolo laguna hubiyo darawaliinta basaska iyo tagaasida si loo ilaaliyo bulshada u adeegisteeda.
  15. Waxaan ka abaabuli doonaa iskuulada iyo malcaamadaha Caasimadda xiisado gaar ah oo ardayda yar lagu baro Waddan jacaylka.
  16. Waxaan u samayn doonaa meelo ay biyaha ka cabbaan amma ay ka helaan wax ay afka ku dhuftaan dadka socotada ah ee magaalada ka gudbaya, dadka asqaysan, dadka wixii ay siteen ka lumeen, dadka aan cid magaalada ka garanayn iyo dadka looma ooyaanka ahi.
  17. 100% waxba ka hagran maayo, in aan baabi’iyo maqaayadaha iyo marfashyada reer reerka amma jilib jilibka loo kala fadhiisanayo.
  18. Waxaan ka wacyigalin lahaa da’da dhexe ee ragga ah ee qaatay cumaamadda, macawuusta, go’a shaalka, koofiyadda iyo bakooradda ee iska tax-taxaasha ee iska dhiibay nolosha kuna nool shaxaadka iyo wax la mid ah.
  19. Waxaan samayn doonaa, in qof kasta oo ajanabi farsamo yaqaan ah aan ku lamaaneeyo 2 qof oo Waddanka amma Caasimadda ku nool oo ka barta farsamada uu yaqaano si ay hadhow ugu anfacaan Dalkooda.
  20. Waxaan mabnuuci doonaa Insha Allah in gaadhi muraayad madow amma lagu dhajiyey bac madow lagu arko Caasimadda.
  21. Waxaan 100% joojinaaya in la ii soo wasteysto family-gayga, qaraabadeyda,M.dhaqameeydyadda,Madaxda qaranka si Muradkooda Dawladda hoose ku xidhan la iiga dhameystirso,iyaga oo an soo marin Nidaamkii caadiga ahaa.
  22. Waxaan dhalinyaradda Reer S/land ee waxbartay u soo bandhidoona soo diyaarin & dib u soo habeynta qayb-xisaabeedka iyo sharciyada maamulka ee dawlada hoos aniga oo kaashanaya khubaradda horey u joogay ku sameeyan, Xisaab-xidhyadda anigoo adeegsandoonta Hantidhooro sharciyaysan iyo kuwa ajnabiga ee la soo kireysto,iyaddo xilkayagu marku dhaamadona soo saari doono BUUG koobaya wax-qabadkayagoo oo dhan oo bayaan ah.
  23. Waxan ad u raadin doona dhamaan Mayaradii soo maray dawladda Hoose ee Hargeysa Sawiradoodii wax-dhintay iyo wax-noolba waxaan ku soo dhajindoono Xafiiskayga si aan xusuus/ku-dayasho/qalbiqaboojin noogu noqota.
  24. Dhamaan Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa waxaan u diyaarin doona nidaan XAQSIIN AH marka shaqadu ka dhamaato,waxaan galin doona Caymiska Cafimaadka,sidoo kale waxa an Mabnuucaya in qof shaqaale ah oo dhintay loogu badalo qof qoyskiisa ama reerkiiisa ah,sidoo kale waxaan fulindoona Dada shaqo ka fadhiisiga u go’an si dayartu ugu fa’ideysato,ugu danbeyntiina Waxan shaqaalaheyga dhexdayada ku beeridoona Geedka Midhihiisa lagu aflaxo ee ah MUWAAFAQADA,YAHUUNTA, CADAALADA,ISQADARINTA KALO DANBEYNTA IYO TEAM WORK AMA JIHO U WADA JEEDKA Haddii Alleh yidhaado.

Waxaan shaki ku jirin in dadweynuhu ay is waydiin doonaan hawlaha baaxaddaa leh sida loo qaban karo iyo halka kharashka laga keenayo, laakiin waxaan leeyahay aniga agtayda taasi way ka fududahay. Waayo wuxuu Ilaahay ina siiyey imkaaniyaadkii aynu wax ku qabsan lahay haddii ay tahay xoogga dihin ee 50-ka sanno amma 60-ka sanno sii shaqeynaha haddii ay noqoto cilmigooda la beerdareeyey ee maqaayadaha lala fadhiyo in laga faa’iidaysto iyo haddii ay noqoto in laga faa’iidaysto xooggooda iyo taladooda, isla markaana caddaalad lagu maamulo ciddii karti iyo aqoon waxqabad leh. Sidoo kale, in la is qadariyo la is jeclaado lana kala dambeeyo oo karaamadeeniina aynu soo ceshano. Sidoo kale, in laga gudbo isnecaybka, qabyaaladda iyo qudhunka taagan oo Ilaahay talada la saarto. Taasi ayaa lagu qaban karaa dhammaan hawlahaasi iyo hawlo kaleba.

Sidaa daraadeed, waxaan jecelahay in aan helo taageerada , Niyad samida,Ducadda iyo la shaqeynta dadka Reer Hargeysa marka ay timaaddo Doorashadu. Sidoo kalena, waxaan wargalinayaa una soo bandhigayaa dadweynaha Somaliland gude iyo debadba, in aysan hawshani ka fursaneyn in aan helo una baahan tahay 10 qof oo rag iyo dumarba leh oo igula shaqeeya ,ilana daadihiya,  qabtana shaqo rasmi oo ah laba sanno ah oo la kordhin karo  inta ka hadhay Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee 2019-ka dhacaya insha Allah, oo khibrad iyo waayo- aragnimo gaar ah oo ah ku GUULEYSIGEYGA  IYO KA SII MIDHALINTA DHALINTA  QORSHAYAASHA GUUSHA MAAYARNIMADA HARGEYSA oo ay ka mid yihiin, Injineerro,City Planners, Dhakhtaro Caafimaad iyo fayadhawrka, dad ku takhasusay bilicda magaalada, Nabadgalyada, Hormarinta  Deegaanka, dhalinyarada, ciyaaraha, suugaanta,wax barashashada wax u qabadka naafada, danyarta iyo dadka laga tirada badan yahay. Waxaanan u baahanahay in ay igala qeyb qataan la talinta iyo Dhidibo-u- sii -aasida waxii hawl ah ee musharaxnimadeyda khuseynaaya ee igu aflixinaaya,sahlaayana u diyaar garowga iyo qorshayaasha aan ku hawl galayo muddada ka hadhay Doorashada Golayaasha Deegaanka. Waxaanay soo qoran karaan codsiyada ciddii danaynaysa ee isla markaana hawlahan khibrad gaar ah u leh,laga bilaabo maanta oo ah 28/12018 Arji qabashaduna socodoonto illa 28 /2/2018 Waxaanay ku soo hagaajin karaan C.V-gooda  Email: sulub2007@yahoo.com.

F.g.10 ka qof ee soo qoranaaya shaqooyinkasi, waxay yahiin shuruuduhu in ay ka fayowyahiin dhamaan balwaddaha keena khakhalka iyo dib u dhaca shaqooyinka ,in ay leeyahiin qaab dhameystiran illa xad oo habka aduunweynaha looga shqeeyo,soo jeedin kara,fulinkara qorshyaal wax ku ool ah oo lagu hawlgalaayo,leh khibradaha ay hawshani u baahan tahay,akhlaaq,daganaansho,adkaysi leh IWM.

Waxaanan u hogansananayaa dhaaman  Shuruucda S/Land u yaala ee Nidaamka doorashooyinka ee Golaha Degaanka.Sidoo kale waxan ballan Alleh ku qadaya in aan ka fogaado FANAKHFANAKH IYO SI XUM U TAKRI FALKA HANTIDA QORANKA OO AAN AHAY SHAKHSI DAGAN OO MADAXTINIMO IYO XILAL SOO QABTAY OO KA DHEER QABYAALAD IWM!! Ugu danbeystiina waxaan ku dadaali doona haddii ay ii suurto gasho in aan ku-xigeenkayga ka dhigo qof Dumar ah oo leh waxii looga bahan yahay.

Haldoor Rashiid Sulub Caalin.

Waxaan ku soo koobi lahaa  muhiimna ah inaynu ku dhaqano weedhii wanaagsanyd ee uu sameeyey abwaan Xasan Sheekh Muumin Alle ha u naxariistee ee ahayd ‘caqligii wanaagsani itaal inuu ka roon yahay bal eegoo u fiirsada’.

Qalinkii: Rashiid sulub caalin.   Email:sulub2007@yahoo.com

Comments are closed