|

Halista Hooyada Uurka leh iyo Xanuunka Sonkorta by Dr Abdifatah Ahmed

Scww. Waxa aynu caawa qaadaa dhigi doonaa hadii eebe idmo  Hooyadda Uurka leh iyo xanuunka Sonkorta ama Macaanka.

Waa Maxay Saraynta Sonkorta Dhiigga?

Saraynta sonkorta dhiigga macnaheedu waa macaanka (sonkorta) oo ku badan dhiigga. Waxaa kale ood maqli karta erayga hyperglycemia. Haweenka qaba sonkorowga haddana Uurka yeesha, iyo haweenka ay sonkorta ku dhacdo intay uurka leeyihiin, oo la yidhaahdo Sonkorowga uurka waxay u baahan yihiin inay heerka sonkortooda xukumaan.

Haweenka uurka leh, heerka sonkorta dhiiggu waxay u baahan tahay in lagu hayo xadka qiyaasta oo yar una dhexeeysa 60 ilaa 120. Subaxii markaad toosto ugu horaysa, sonkorta dhiiggaaga waa inay ahaato 60-100. Marka aad cabirto sonkortaadu cuntada ka hor waa inay qorta 60-105, iyo 2 saac ka dib cuntada, 60-120. Markasta oo sonkortaadu ka badan tahay 120, aad ayey ugu badan tahay Uurka.

Haddii ay wakhtiga Uurka sonkorta kor u kacdo, waxaa surtogal ah in ay dhib u keento hooyada iyo Ilmahaba.

Dhibaatooyinka Ilmaha:

Dhibaatooyin wadnaha, lafdhabarta iyo xubnaha kale oon si fiican u sameysmin bilaha hore ee Uurka hadday hooyadu qabtay saraynta sonkorta dhiigga markay Uurka yeelatay.

Sonkorta aad ugu badan hooyada waxay Ilmaha ku sababtaa in uu si xad dhaafa ugu weynaado Uurka hooyadda:

Sambabada cunugga oo si ayar ah u kora
Khatar horay u dhalid
Khatar dhaawac inta dhalidu socoto
Hoosayn sonkorta dhiigga oo Ilmuhu  marku dhasho
Khatar ilmaha uurka ku dhinta

Dhibaatooyinka hooyada:

Hadday hooyadu si xun u kontroshay ama u  sonkorowga Uurka ka hor oo dhibaato ka soo gaadhay indhaha, kaliyaha ama wadnaha, way ka sii xumaan karaan inta uurku socod.

Gariir iyo miyir doorsoom ayaa aad caan ugu ah. Cadaadin badan ayaa kaliyaha ku dhacay tanina waxay keeni kartaa dhiig kar, barar iyo dhalid soo hormarta.

Haddii Ilmuhu wayn yahay oo keentay saraynta sonkorta dhiigu,qallin (uur-doox) baa laga yaaba in lagaga dhaliyo. Tani waxay hooyada sii gelinaysa khatart.

Maxay Saraynta Sonkorta Dhiiggu u Dhcaan?

Inta uurku socdo, jidhkaagu wuxuu u baahan insulin (dheecaanka Miisaama sonkorta dhiiga) badan, khaasatan saddexda bilood oo ugu dambaysa.

Waxaa jira dhowr sababood oo keenta saraynta sonkorta dhiigga. Sababaha ugu caansan inta uurka socdo waxaa ku jira:

Isbedelka hormoonaha inta uurku socodo
Adiga cuna cunto ka badan qorshahaaga cuntada
Cunida cunto sonkorta ku badan tahay ama karbohaydraytku ku badan yahay
Qaadasho la’aan daawo kugu filan (insulin)
Dhaafid, ka boodid ama ka daahida daawada (insulin)
Walaac
Hurgun/cudur
Helitaan la’aan jir-dhis ku filan
Waxaa xataa dhici karta marar aadan u helayn sabata keenta saraynta sonkorta dhiigga.

Sidee Baan Dareemaya Marka Sonkorta Dhiiggu Aad U Sarayso?
Ma dareemaysid wax gooni ah marka sonkorta dhiigaagu aad u sarayso.

Waa sababtaas waxay ay muhiim u tahay inaad u fiirsato sonkorta dhiigaaga sida ay dhakhtarkaaga iyo kalkaalisadaadaba kugu waaniyaan. Inta badan haweenka uurka lehi ee sonkorowga qaba waxay fiiriyaan sonkorta dhiigooda 4-8 goor maalin kasta, cuntada ka hor iyo 2 saac cuntada ka dib.

Haddii heerka sonkorta dhiigaagu ay ka sarayso 120, saddex cisho ka badan oo isku xigta adiguna aad raacayso cuntadaadii,waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarkaagii ama kalkaalisadadii. Waxaa laga yaaba inaad u baahan tahay insulin inaaad bilowdo ama haddii aad insuliin qaadato, qiyaastaada waa in la bedelaa.

Maxaan Sameeya Markaan Qabo Saraynta Sonkorta Dhiigga?

Sida ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo saraynta sonkorta dhiiggu waa adigoo isu dheeli tirto cuntada, jimicsi iyo/ama insuliinka. Dib u raac dhowrkii beri oo ugu sameysay qorshihii cuntada dhaqdhaqaaqa, daawada (insulin) iyo waraqadaha aad ku kaydisya sonkortaads. U fiirso isbedel kasta oo kuu macnayn kara saraynta sonkorta.

Sidee Baan Uga Hortagi Karaa Saraynta Sonkorta Dhiigga?

Waxaad uga hortagi karta saraynta sonkorta dhiigga ado raaca qorshaha sonkorowga.

Raacida qorshahaaga cuntada
Qaadashada insuliinka sidii lagu faray
Baadhitaanka sonkortaadu iyo xafidaad jawaabaha
Raacida xarakaadkaaga iyo jimicsigaaga si joogto aha
La xiriirida dhakhtarkaaga haddaad aragto calaamada saraynta sonkorta dhiigga.

Raacida qorshaha xanuunkaaga haddaad xanuunsantahay.

Fadlan La soco qaybaha dambe.

by Dr Abdifatah Ahmed
Augsburg Germany

Comments are closed