|

Mudanayaasha Wakiillada oo ku qaybsamay hanaanka loo ansixinayo Odoroska Miisaaniyada

Hargeysa, 31, Mar 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku qaybsamay qaabka loo marayo ansixinta Odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2012-ka.

Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa mudanayaasha loo akhriyay warbixinta Gudd-hoosaadka Dhaqaalaha, isla markaana Xildhibaan Cali Xasan Maxamed oo akhriyay warbixintaas ayaa mudanayaasha u sheegay in Wasiirka cusub ee Maaliyadu codsaday in Miisaaniyada sideedaas loogu ansixiyo.

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha oo isaguna ka hadlay qaddiyada miisaaniyada ayaa sheegay inaanay guddi ahaan falanqayn badan ku samayn Odoroska Miisaaniyada.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa si wayn ugu qaybsamay hanaanka loo marayo ansixinta Miisaaniyada oo Guddoomiyuhu u soo jeediyay inay u codeeyaan in dood laga galo iyo in duuduub lagu ansixiyo ugu dambayntiina waxay mudanayaashu isla qaateen in dood laga yeesho Miisaaniyada.

Miisaaniyada sannadkan ayaa noqonaysa miisaaniyadii ugu badnayd ee abid soo marta Golaha Wakiillada, taasoo ay ku jiraan tacriifado dheeraad ah iyo cashuur kordhin ay samaysay Wasaaradda Maaliyada iyo waliba hay’ado aan hore miisaaniyadoodu ugu jiri jirin odoroska oo sannadkan lagu daray, taasoo ay mudanayaasha qaarkood ku dooddayaan in laga dood laga geliyo arrimahaas.

Waxaana la filayaa inay mudanayaashu maalmaha soo socda ka dooddaan odoroska Miisaaniada qaranka.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed