Uncategorized

Hanjabaado Shaqo Joojin ah Oo Kasoo Baxay Ururrada Macallimiinta Dalka Kenya

Nairobi:Dec,07,2014(SDN/QJ)-Gebi ahaanba Dalka Kenya, wax aka jira warwar ah inaanay Iskuulada dalkaasi furmin bisha January ee soo socota, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ururrada Macalliintu qaban qaabinayaan shaqo joojin dhawaan Bilaabmi doonto.

rejoMacallimiinta ayaa arrintan u samaynaya cabasho dhinaca Mushaharka ah oo ay ka cabanayaan, waxana ay sheegayaan Haddii aan taas waxba laga qabanin ay shaqo joojintaasi dhici doonto dhawaan.

Intii uu socday shirka sanadlaha ah ee ergooyinka oo  Ururka Macallimiinta oo  Jimcihii ka dhacay magaalada Nyeri ayey ururka ay ku bohoobeen macalimiinta dugsiyada sare ee KUPPET waxa ay dowlada u qabteen ilaa dabayaaqada bishan, si ay u soo af meerto wada xaajoodka mushaharaadka ama in ay shaqa joojin baaxad leh ku dhaqaaqaan macalimiintu.

Dalladan ayaa dowlada ku eedeysay in aan ilaa iyo wax midho dhal ah laga gaadhin wada hadalka mudada dheer soo socday.

Xog hayaha guud ee KUPPET Akillo Misori ayaa sheegay in ay inti hore ku filantahay, isla markaana aanay wada xaajood uun wadi karin waligood, haatanna ay arintu taagantahay in ay dowlada codsigooda aqbasho ama in ay curyaamiyaan wax barashada bilaabaneysa bisha dambe.

Macalimiinta ayaa ku doodaya in ay dowlada ka biyo diiday dalabkooda, iyagoo horayna dhowr jeer hanjabaadahan u soo jeediyay.

Dalabka Mushahar kordhinta ayaa in mudo ah soo socday waxaana wali wada hadlaya masuuliyiinta ururada macalimiinta iyo gudiga adeega macalimiinta ee TSC.

Wada xaajoodka ku aadan mushkiladan ayaa soo jiitamayay ku dhawaad 6 sano oo lasoo dhaafay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com