Muqdisho:Dec,07,2014(SDN/QJ)-Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka iyo Xeer ilaalinta ayaa si wada jir ah u soo saaray Awaamiir ay dhammaan xubnihii wasiirrada ka ahaa Xukuumaddii Ra’isal Cabdiweli sheikh oo shalay Baarlamaanku caydhiyeen.
Awaamiirtan ayaa lagu sheegay inaan dhammaan wasiirradani waddanka ka Bixi Karin ka hor inta aanay xilka wareejin.
Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Madaxa Hanti Dhowrka Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax, ayaa qoraal ay ku wada saxeexan yihiin xalay ku sheegay, inaanay Wasiiradu ka dhoofi karin dalka.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in laga cararaayo in ku takri fal awoodeed la sameeyo, xilli ay xaalado adag ka jiraan dalka.
Hay’adda Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxaa lagu wargeliyay inaanay Wasiiradu, Ku Xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaashuba ka dhoofi karin dalka, ilaama ay xil wareejin ka sameynayaan.
Arrintan ayaa waxay ka Dambaysay amar hoose oo madaxweynaha ka yimi, kaas oo uu kaga soo horjeedo inay wasiirrada sida hoose u taageersanaa Ra’isal wasaaruhu ay Hanti qaranku leeyahay la goostaan.
SDN/QJ
