Uncategorized

Hargaysa Shil Naxdin Leh oo Ka Dhacay iyo Khasaaraha Nafeed ee Ka Dhashay SAWIRO

Hargaysa 15.Jan 2015 (SDN/QJ)- Hal-qof ayaa ku dhintay 3 kalana waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo shil-gaadhi oo ka dhacay xaafadda Jigjigayar ee magaalada Hargeya shirlakni waxa uu yimid kadib markii uu gaadhi noociisu aha NOAH oo siday dhawr cauura oo Ciyaal ah oo ka soo rawaxayey Iskuulkii ay dhiganayeen uu wadada kala baxay isaga oo ku socday xawaare aad u sareeya kadibna waxa uu Gaadhigii ku dhacay nin Biyoole ah oo watay Dameer balse xiglaa sida ay Baadiye u sheegeen dadkii aanu goobtaa ugu tagnay ninka dhintay waxa uu ku nusaacaynayey geed hoostii kaasoo ku yaalay iridda guriga uu gaaddhigu ku dhacay waxaanu turuska hore ee gaadhigu Marxuumka dhintay kaga dhacay qaarka hore kadibna waxaa Marxuumka isu celiyey Gidaarkii Guriga iy Turuskii Gaadhiga dabadeedna Maskaxdii ayaa qaraxday sidaas ayaanu mariiba ugu geeriyooday ninkii Biyoolaha ahaa.

DSC09632(1)Waxaanay dhaawacyo kaladuwani soo gaadheen Darwalkii gaadhiga siday iyo laba kamida carurtii yaryarayd ee uu waday,mashaqadan oo ka dhacday nawaaxiga Madrasadda Daarul-iimaan ayaanu kula kulanay daqiiqado yar uun kadib markii uu shilkaasi dhacay waxaanay markiiba imdhahayagu qabteen saxmadda iyo buuqa dadweynihii xaafadda oo xidhay wadadii aanu ku soconay aniga iyo koox katirsan ardayda Jaamcadda Admas oo aanu wada diyaarinaynay Assignment waxaanuna ku sii jeednay Hotelka Maan-soor oo goobta uu shilkaasi ka dhacay .

DSC09636“Walaal hadaad xaga hore ku sii jeedo Saldhiga Koodbuur sii mar oo waxaad u sheegtaa mashaqada meesha ka dhacday oo dhimasho iyo dhaawacba leh” sidaa waxaa Baadiye u sheegtay Habaweenayda lahayd Guriga uu gaadhigu kudhacay oo la arkayey wajahadii hore ee Guriga oo duntay iyo Gaadhiga oo Gudaha ugu jira Albaabka Guriga.

DSC09629Shilalka Baabuurta ayaa ku soo badanayey tan iyo sanadihii la soo dhaafay Somaliland gaar ahaan Hargeysa oo aanay wadayaasha gaadiidku lahayn aqoontii looga baah naa inuu lahaado qofka gaadhi kaxaynaya waxaanay in badan oo Darawaliinta xiligan ka hawlgala Hargeysa shukaanta gaadhiga ka qabsadeen banaanka iyaga oo aa u soo marin dariiqii sharciga ahaa ee ahaa Iskuulada lagu barto kaxaynta Gawaadhida sidaa darteed shilalka ka dhaca Somaliland waxay u badan yihiin kuwa ka dhasha Baabuurta gaar ahaan kuwa Basaska iyo NOAH-da oo si akhlaaq-darro ah u kexeeya gawaadhida -iyaga oo hadana sida caruuryar oo waalkdiintii dhashay ay ku aamineen maamulayaasha Xarumaha waxbarshada oo aan warba ka haynin socod xumada Darawaliintooda.

DSC09634