|

Hargaysa: Siyaasi Xil Wasiir ka soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo oo Maanta ah Daleewar Gaadhi & Sida uu Shaqadan Cusub u arko DAAWO

Hargaysa 05.July 2018 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Maanta Lagu Arkay Isagoo darawal ka ah mid ka mid ah Gaadiidka Qaadaya Imtixaanka Shahaadiga Ah ee Somaliland oo Dalka ka bilaabmay Maallmo ka hore.

Siyaasi Cali Cilmi Geele Oo Markii xilka Laga Qaaday Ku biiray Xisbiga Waddani ayaa Xiligii Madaxweynaha Somaliland ee Iminka Muuse Biixi Cabdi Ololaha Ku Jiray kasoo Digo Rogtay Xisbigaasi isla Markaana dib markale ugu soo Laabtay Xisbigii uu ka Tirsanaa Waxaana uu Sheegay inuu Shaqaynsanayo maadaama uu Bilaa Camal yahay.

 

Siyaasi Geele wuxuu intaasi ku Daray in Shaqadu Aanay Cay iyo Ceeb Lahayn Isla markaana ay Dhacdo Marka La Arko Isagoo Wasiir soo Noqday oo hadana Gaadhi Darawal ka Ah Dadka qaar La Yaabaan oo Yidhaahdaan Muxuu Uga shaqaysan Waayay intuu Xilka Hayay Waxaana uu Yidhi

 

” Waar Anigu Ma ihi kuwii Dalka Boobay Miskiinkaas yar baan Iska Ahay,Shaqaduna ceeb Maaha Xaaraanta Waan iska Ilaaliyay,Markaa dadka Qaarna waa Isoo Dhoweeyaan oo ku Farxaan Markay Arintayda Arkaan Qaarna Waa Ila Yaabaan,Waxaanan leeyahay Madaxweynaha Somaliland ee Iminka hala Taageero oo Hala Garab Galo

Comments are closed