Uncategorized

“Hargaysa Waa 20 Km oo Isku Weer ah Meelna Janno noqon Mayso,Meelna Meel lagu Ooman yahay Noqon Mayso” Wasiir Cukuse Daawo

Hargaysa 12.July 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta jamhuuriyada somaliland C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta ka Warbixiyey Hawsha Biyo Gelinta ka Socota Caasimada.

Wasiirka oo ay warbaahintu wax ka weydiisey hawsha biyo balaadhinta Caasimada iyo Xukuumada uga meel yaala ayaa sheegay in xukuumadu marwalba xooga saarto Qodobada a ka mid ka yihiin, Biyaha, iyo Wadooyinka sidoo kale waxa uu intaa ku Marey In Madaxeynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo Safarkii uu ku tagey Dalalka Imaaraadka iyo Kuweyt ujeedadoodu aheyd sidii Biyo ay u wada heli lahaayeen dadka Reer somaliland taasna ay imika dhamaatey Qayb ka midii inta kalena dhawaan la filayo iney dhamaato, waxaan wasiirka Warfaafintu intaas sii raaciyey mar uu ka mwaramey waxqabadk xukuumada ee ku aadan dhanka adeegyada bulshad Gaar Ahaan Biyaha in Xukuumada Mudadii ay Xilka haysha ay u qodey dadkeeda 48 ceel iyadoo labaatankii sano ee ka horeeyay la qodey 70 ceel oo keliya, waxaanu ku tilmaamey in waxqabadkii labaatankaas sano ay ka badan tahay ta mudada ay iyagu xilka Hayeen,

sidoo kale wasiirka waxa uu wasiirku ka hadley Biyaha Eu-du ka Qodeyso Waqooyiga Galbedka iyo Koonfurta Magaada Hargeisa, waxaanu sheegay in biyo ku filan ay heli doonaan dhawaan Xaafadaha ay ka midka yihiin Isha Boorama, Calaamada iyo Kuwa kale ee la midka ah ee aan Biyaha Haysan,

Wasiirku waxa kale oo uu dardaaran usoo jeediyey Dadka Inta badan ka hadley Arintan biyaha kaasoo uu sheegay iney dadka ka Daayaan hadalada aan waxba u tarey isla markaana keenaya isku dhaca iyadoobuu yidhi bil Ramadaan-na lagu,

Gebadii wasiirku waxa uu sheegay in sadexdii Qodob ee lagu Heshiiyey ay ka Mid aheyd In Gudidii u Xilsaarney Balaadhinta Biyahaas hada lagu Darey Xubno wasiiro ah kuwaasoo kala ah

1.Wasiirka Waraafinta

2.Wasiirka cadaalada

3.Wasiir Ku Xigeenka gaashaandhiga

4.Wasiir ku xigeenka Amniga 

5.Wasiirka A/Gudaha

6.Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud.

7.Xildhibaan Nac Nac.

Arintan ayaa timi ka dib markii la isu qabsadey Cida ay ka Imanayaa Biyaha Berkada la Hirgelinyo iyo Cida ay ku Dambeynayso.
http://www.youtube.com/watch?v=c9hrZKHqdmk
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com