Hargeysa 15, July 2012 (SDN)- 30 xubnood oo ka kala socday Qareenada, Xeer-ilaaliyayaasha iyo waaxda baadhista iyo ka hortagga tacadiyada Haweenka lagula kaco ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa maanta tababar hal maalin ah looga magaalada Hargeysa.
Ku-simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha gudaha ahna agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaraddaas Mr. Maxamed Cismaan Dubbe oo ka soo qayb galayaasha u furay tababarkan ayaa sheegay in kulankan maantu uu ku saabsan yahay sida loo dedejin karo kiisaska ku saabsan haweenka waxyeelooyinku gaadhaan marka ay yimaadaan saldhigyada Booliska maadaama ay haweenku ka jilicsan yihiin ragga oo ay suurogal tahay in gabadhu sheegan kari weydo waxii ku dhacay.
Mr. Dubbe wuxuu sheegay in qorshahani yahay qayb ka mid ah waxa ay diinteenu ina farayso ee aan laga soo waaridin meelo kale, wuxuuna u rajeeyay ka soo qaybgalayaasha inay ka faa’iidaystaan waxyaabaha laga korodhsanayo kulankan aqoon isweydaarsigan.
Hogaan ku-xigeenka Tababarka Ciidanka Booliska Faarax Jaamac Qandhadh oo munaasabadda ka hadlay, ayaa ku booriyey dadweynaha inay la shaqeeyaan dembi baadhayaasha, taasoo sahli karta in gacanta lagu soo dhigo eedaysanayaasha ama laga hortegi karo fal dembiyeed dhici lahaa, waxana taliye ku xigeenku faahfaahiyey sida ay lagama maarmaanka u tahay wada shaqaynta ay samayn karaan shacabka iyo Boolisku.
Madaxa nabadgelyada iyo dib u habaynta Booliska Faysal Guhaad Cabdi oo isna kulankaasi ka hadlay, waxa uu sheegay in wasaarad ahaan la diiwaangeliyey tacaddiyo badan oo ku dhaca Haweenka iyo caruurta gaar ahaan kufsiga oo qayb ka ah kiisaska Booliska qaranku ku foogan yihiin.
Mr. Guhaad waxuu sheegay in kulankan loogu baahan yahay in la iskula qaato sidii looga gudbi lahaa hab dhaqameedka xadgudubka loogu gaysto haweenka, isla markaana Police-Form-ka la xidhiidha dembiyada tacadiyada haweenka lagu kaco looga hirgeliyo dalkeena Somaliland, loogana fadhiyo booliska iyo hay’adaha dembi baadhayaasha inay u dhego nuglaadaan haweenka.
Qurbejoog.com, Hargeysa
