Hargeysa, 13, April 2012 (SDN)- Danab aan khasaare nafeed gaysan ayaa ku dhacay caawa fiidkii inta u dhaxaysa hay’ada shaqaalaha iyo xarunta ciidanka asluubta ee magalada Hargeysa.
Danabkan ayaa dhacay xilli roob ka da’ayay Caasimadda Hargeysa, waxaanu danabkkaasi khasaare u gaystay xadhkaha dabka ee dawladda, isla markaana waxa uu gooyay dhamaan xadhkihii ku dhawaa goobtaas
Maareeyaha hay’ada xooga korontada oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in ay haatan bilaa laydh yihiin dagmada Gacanlibaax, badhtamaha Hargeisa iyo xaafada Goljano, kuwaasoo laydhku ka mqnaan doono, isla markaana mugdi ahaan doona ilaa maalinta bari ah hayeeshee waxa uu cadeeyay in xaafada shacabka isla caawa loo shido doono korontada.
SDN, Hargeisa