Uncategorized

Xidhiidhkii Turkiga iyo Maraykanka oo Mugdi Galay iyo Madaxweyne Rajab Ordugan oo Raali Gelin ka dalbaday Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka Halkay Sartu ka Qudhuntay?

Ankara 05.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa raalligelin ka dalbaday Madaxweyne  ku xigeenka Wadanka Maraykanka John Bidden waxana uu uga digay inuu u aqoonsan doono John Bidden nin ay wakhti hore is yaqaaneen hadii uu raalligelin ka bixin waayo hadalkiisii uu ku sheegay in madaxweynaha Turkigu ictiraafay in ay khalad ku sameeyeen markii ay u ogolaadeen inay dagaalyahano ku socda Suuriya ka gudbaan ama soo maraan Turkiga

 

Photo File
Photo File

Madaxweynaha Turkigu waxa uu beeniyey in aanu weligii  hadal noocaas ah bixin, isagoo intaa ku daray in ay Turkigu ka fiirsanayaan wada shaqayn ay la yeeshaan Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka John Bidden

 

eedaymaha ay is dhaafsadeen madaxda Maraykanka iyo Turkigu waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhowaan Baarlamaanka turkigu ansixiyeen in Ciidamadoodu hawlgal millateri ka fulin karaan gudaha suuriya iyo ciraaq, sidoo kalena ay u ogolaadeen xulafada la dagaalamaysa Daacish inay isticmaali karaan hawada Dalkaasi iyo saldhigyada ciidankaba.

Ankara SDN/QJ

contact@qurbejoog.com