Hargeysa:8-Nov-2013(SDN)- Iyadoo ay maalinba Maalinta ka dambaysa si Xawli ah u soo Kordhayaan Goobaha wax lagu Cilaajiyo ee ka Jira Somaliland, ayaa ay Haddana Badanayaan dhibaatooyinka Shacabka ka soo Gaadha Arrimahani.
Amran Cismaan Aw Cabdi oo ah Muwaadinad reer Somaliland ah, ayaa sheegtay in Fardawsa Cismaan Aw Cabdi oo maskaxda ka xanuunsanaysay oo walaasheed ahayd ay u geeriyootay jidh dil loogu gaystay mid ka mid ah xarumaha Cilaajyada ee lagu hayo dadka dhimirka wax qaba ee ka furan magaalada Hargeysa oo lagu dabiibayey.
“Gabadh aanu walaalaha nahay oo la odhan jiray Fardawsa Cismaan Aw Cabdi, oo xanuun shaki ahi ka asiibay maskaxda ayaa waxaanu gaynay xarun Cilaaj ah oo ka furan xaafada New Hargeysa, runtiina way ladnayd markii hore, hase yeeshee markay muddo bil ah ku jirtay xaruntaasi ayaa Mobil tilifoon oo ay haysatay intay igula soo hadashay, ayaa waxay ii soo sheegtay in shaqaalihii Cilaajkaasi ee dadka ku jira dabiibaa ay jidh-dil garaacis ah u gaysteen, isla markaana nolosheedu khatar ku jirto, waxaanay tidhi mid ka mid ah haweenkii xanuunsanayay ee aanu meesha ku wada jirnay ayaa I wanjashay, kadibna ninkii Cilaajka haystay ayaa intuu qolkii iga soo saaray oo qol kale I geeyay, silsiladna gacmaha igaga xidhay Bakooradna ila dhacay”. Ayey Tidhi Amran
Waxana ay intaas ku dartay, “Intaa ka dibna nabarradii loo gaystay ayay laba maalmood ka dib u geeriyootay walaashay. Ka dib waxaanu la soo hadalnay ninkii haystay Cilaajka waxaanu igu yidhi, Cid dishay ma jirto dhibaato loo gaystayna ma jirto, intaa ka dibna maydkeedii baanu soo qaadnay, waxaana ku yaalay nabaro caddaynaya in garaacis loo gaystay. Ninkii haystay Cilaajkaasi oo la soo xidhayna waxaa naloo sheegay in damiin lagu sii daayay”.
Arrimaha Noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca Somaliland, balse ma jirto shakhsi laga abaal mariyey dhibaato geeri sababtay oo uu u geystay Dad masuuliyadeeda loo dhiibay.
Source: Wargeyska Haatuf.
S.D.N
